Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay soo saartay waxay magaalada Boosaaso ee Puntland ku dartay goobo la sheegay in loo adeegsaday marin loo mariyay taageero ciidamada RSF ee ka dagaallamaya Sudan. Warbixintu waxay sheegtay inay jiraan sababo macquul ah oo lagu rumaysan karo in shabakado ka shaqeeya qorista ciidamada, hubka iyo saadka ay u adeegsadeen Boosaaso, Chad iyo koonfur-bari Liibiya sidii goobo kumeelgaar ah.
Guddiga baaritaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in marinnadaas loo adeegsaday gudbinta shaqaale, tababar, hub iyo agab kale oo militari oo loo geeyay RSF-ta Sudan.
Puntland ayaa horay arintaan u beenisay kadib markii dowladda Somalia ay eedeymo noocaan ah usoo jeedisay.
“Waxaan helnay silsilad shabakad caalami ah oo ka gudubta dhowr dal, taas oo RSF siisay shaqaale ajnabi ah, tababar, hub iyo saadka,” ayay tiri Mona Rishmawi, oo xubin khabiir ah ka ah Guddiga Xaqiiqo-raadin (Fact-Finding Mission).
Waxay intaas ku dartay in taageeradan ay qayb ka qaadatay hawlgalladii RSF ee xerada Zamzam, iyo markii dambe qabsashadii El-Fasher, halkaas oo Guddigu diiwaangeliyey xadgudubyo culus oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, iyo sidoo kale dambiyo caalami ah.
Maamulka Deni ayaa xulufo la sameystay Imaaraadka, iyagoo qayb ka qaatay dagaallada Sudan taasi waxay Boosaaso ka dhigtay marin muhiim ah oo laga maamulo saadka iyo dhaq-dhaqaaqa milatari ee RSF, isla markaana khatar weyn ku ah midnimada iyo amniga Soomaaliya.


