Khayre oo Cambaareeyay Weerarkii lagu qaaday guriga Janaraal Mahad ee Doolow

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa si adag uga hadlay weerarkii xalay lagu qaaday hoyga uu degmada Doolow ee gobolka Gedo ka degan yahay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Xasan Cali Khayre ayaa sheegay inuu si adag u cambaareynayo waxa uu ku tilmaamay duqeyn ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku qaadeen hoyga Janaraal Mahad Cabdiraxmaan, isaga oo ku eedeeyay taliska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu hub iyo diyaarado loogu talagalay la-dagaallanka argagixisada u adeegsaday weerarro siyaasadeed.

Khayre ayaa sheegay in ay tahay arrin nasiib-darro ah in hubka iyo awoodda dowladda loo adeegsado madaxdii iyo saraakiishii hore ee dalka u soo shaqeeyay, isagoo ku baaqay in aan khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin dagaal, awood ciidan iyo is-maquunin.

“Sooyaalku Soomaaliya wuxuu na baray in xalka khilaafaadka siyaasadeed uusan marnaba ku jirin dagaal, ismaquunin iyo ku-takri-falka awoodda dowladnimada,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya aysan maanta u baahnayn hurinta dagaallo siyaasadeed oo horseedi kara khasaare, kala-fogaansho bulsho iyo xasillooni-darro amni.

Dhanka kale, Khayre wuxuu ku baaqay in khilaafaadka siyaasadeed lagu dhammeeyo wada-hadal dhab ah iyo is-afgarad siyaasadeed, isagoo xusay in dalka loo baahan yahay in loo jiheeyo doorasho loo dhan yahay, hufan, xor iyo xalaal ah oo dhammaan dhinacyada ay heshiis ku yihiin.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in dhacdadii ka dhacday guriga Doolow aysan ahayn duqeyn ay iyadu fulisay, balse ay ahayd qarax gudaha ah, iyadoo sheegtay inay baaritaan ku sameyneyso sida ay wax u dhaceen.

WARARKII KALE

Sheekh Shariif oo DF ku eedeeyay duqeyntii lala beegsaday guriga Taliye Mahad ee Doolow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

DFS oo ka Hadashay weerarkii lagu qaaday Guriga Taliye Shub ee Doolow

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iska fogeysay wararka sheegaya in...

Q.M oo Soomaaliya ku dartay liiska dalalka laga weeraray Suudan

Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay soo saartay waxay magaalada...

 Xildhibaan Odawaa muxuu ka yiri duqeyntii lala beegsaday Taliye Shub

Xildhibaan Cabdi raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa si kulul...

Kooxda Lafta gareen oo Turkiga ku eedeeyey duqeyntii Doolow

Wasiirkii hore Warfaafinta Koofur Galbeed, garabka Cabdicasiis Laftagareen, ayaa...

Duqeyn lala beegsaday Taliye Shub

Taliyihii hore ee Asluubta Soomaaliya, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan “Shub”...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles