Masar oo Xiriirrada Soomaaliya iyo Yemen Xoojisay, si loo sii daayo 8 Badmaax oo Masri ah

Dowladda Masar ayaa sheegtay inay dib u xoojisay xiriirrada diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Soomaaliya iyo Yemen, si loo dedejiyo sii-daynta 8 badmaax oo Masri ah, kuwaas oo lagu hayo markab ku sugan meel u dhow xeebaha Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa sheegtay in ay waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan, kuwaas oo looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo badbaadada badmaaxiinta iyo in sida ugu dhaqsaha badan dib loogu soo celiyo dalkooda.

Qaahira ayaa sheegtay inay xiriir joogto ah la leedahay mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Yemen, si loola socdo xaaladda badmaaxiinta, loona hubiyo in la siiyo baahiyahooda aasaasiga ah iyo xaalado nololeed oo ku habboon inta xal laga gaarayo arrintan.

Sidoo kale, Masar ayaa sheegtay inay xiriir la sii waddo shirkadda leh markabka, iyadoo ku cadaadinaysa inay gudato waajibaadkeeda, si loo fududeeyo sii-daynta muwaadiniinta Masaarida, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa faray hay’adaha ay khusayso inay sii wadaan dadaallada iyo xiriirrada diblomaasiyadeed ee arrintan, si loo xaqiijiyo badbaadada muwaadiniinta Masaarida loona dedejiyo sii-dayntooda.

Dhacdada oo soo bilaabatay bishii May

Arrintan ayaa soo bilaabatay 11-kii May 2026, markaas oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ay xaqiijisay in markab shidaal oo ay saarnaayeen 8 badmaax oo Masri ah lagu afduubtay meel u dhow xeebaha Soomaaliya.

Dowladda Masar ayaa xilligaas safaaraddeeda Muqdisho ku amartay inay qaaddo tallaabooyin lagu xaqiijinayo badbaadada badmaaxiinta iyo sidii loo heli lahaa sii-dayntooda.

Ilaa hadda ma cadda waqtiga saxda ah ee la filayo in badmaaxiinta Masaarida la sii daayo, iyadoo Dowladda Masar ay sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in arrintan xal looga gaaro.

Arrintan ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa xilli walaac laga qabo in burcad-badeednimadu dib uga soo cusboonaato xeebaha Soomaaliya, taas oo keentay in dalal iyo hay’ado caalami ah ay kordhiyaan dadaallada la xiriira amniga badda.

WARARKII KALE

Madaxa garsoorka Iran oo sheegay in dalkiisu doonayo inuu xiriirka Shiinaha ballaariyo

Gholamhossein Mohseni-Ejei, madaxa garsoorka Iran, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda...

Trump: Waxaa laga yaabaa inaan dhawaan beegsanno Buurta Kalang

Donald Trump ayaa wariyeyaasha u sheegay Jimcihii in Maraykanku...

Deni iyo A/Madoobe oo cabsi soo wajahday kadib weerarkii Doolow

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in rajadii laga qabay...

Golaha Mustaqbalka oo si adag u Cambaareeyay weerarkii lagu Qaaday Hoyga Jeneraal Mahad

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii...

Wakiilada nabadda ee Trump ee la filayo inay toddobaadkan gaaraan Mosco iyo Kyiv

Wada-xaajoodayaasha Maraykanka ee Steve Witkoff iyo Jared Kushner ayaa...

Lafta gareen oo Cambaareysay Duqeymo F-16 Loo Adeegsaday oo Ka Dhacay Doolow iyo Baydhabo

Xafiiska Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles