Deni iyo A/Madoobe oo cabsi soo wajahday kadib weerarkii Doolow

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in rajadii laga qabay in hoggaamiyayaasha Mucaaradka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Muqdisho ku yeeshaan wada-hadal toos ah ay mar kale wajahday hubanti la’aan xooggan.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in maalmahan ay socdeen doodo xooggan oo ku saabsan arrimaha amniga, hase yeeshee aan weli laga gaarin is-afgarad ku saabsan qaabka loo maareynayo amniga kulamada iyo wada-hadallada siyaasadeed.

Qaar kamid ah madaxda dowlad-goboleedyada ayaa miiska keenay walaac la xiriira in aan la isku halleyn karin amni ay gacanta ku hayso Dowladda Federaalka, xilli ay dowladda ku jirto xaalad siyaasadeed oo muran badan ka taagan yahay. Dhacdadii ka dhacday Doolow ayaa sidoo kale la sheegay inay sii xoojisay walaacyadaasi, isla markaana ay taageero siisay mowqifyadii ay horey uga muujiyeen arrimaha amniga dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Xogo dheeraad ah ayaa sheegaya in dadaallo ay wadeen qaar kamid ah xubnaha Madasha Samatabixinta ee Muqdisho, kuwaas oo lagu doonayay in wakiillada reer Galbeedka ay ka qeyb qaataan dammaanad qaadista amniga hoggaamiyayaasha Mucaaradka, ay la kulmeen caqabado, iyadoo ilaa hadda aan la helin dammaanad amni oo dhinacyadu si buuxda ugu qanceen.

Dhanka kale, qaar kamid ah madaxda Mucaaradka ayaa walaac ka muujiyay doorka ciidamada shisheeye, iyagoo sheegay in aysan si buuxda ugu kalsoonaan karin, sababo la xiriira waxa ay ku tilmaameen ku milanka siyaasadda gudaha iyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.

Waxaa la filayaa in maanta xubnaha Mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka ay dib u bilaabaan dadaallo cusub oo lagu raadinayo hannaan suuragelin kara in dhinacyadu is arkaan ama wada-hadal toos ah yeeshaan.

Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin qaabka kulankaasi u dhacayo, haddana xogaha la helayo ayaa sheegaya in aaladaha isgaarsiinta iyo wada-xiriirka fog ay kamid noqon karaan hababka miiska saaran, haddii aan xal laga gaarin arrimaha amniga iyo goobta lagu qabanayo kulanka.

Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa xilligan wajahaya caqabado dhowr ah, iyadoo arrimaha amniga, kalsoonida siyaasadeed iyo dammaanad qaadka kulamada ay yihiin qodobada ugu waaweyn ee weli u baahan in la isku fahmo.

WARARKII KALE

Madaxa garsoorka Iran oo sheegay in dalkiisu doonayo inuu xiriirka Shiinaha ballaariyo

Gholamhossein Mohseni-Ejei, madaxa garsoorka Iran, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda...

Trump: Waxaa laga yaabaa inaan dhawaan beegsanno Buurta Kalang

Donald Trump ayaa wariyeyaasha u sheegay Jimcihii in Maraykanku...

Masar oo Xiriirrada Soomaaliya iyo Yemen Xoojisay, si loo sii daayo 8 Badmaax oo Masri ah

Dowladda Masar ayaa sheegtay inay dib u xoojisay xiriirrada...

Golaha Mustaqbalka oo si adag u Cambaareeyay weerarkii lagu Qaaday Hoyga Jeneraal Mahad

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii...

Wakiilada nabadda ee Trump ee la filayo inay toddobaadkan gaaraan Mosco iyo Kyiv

Wada-xaajoodayaasha Maraykanka ee Steve Witkoff iyo Jared Kushner ayaa...

Lafta gareen oo Cambaareysay Duqeymo F-16 Loo Adeegsaday oo Ka Dhacay Doolow iyo Baydhabo

Xafiiska Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles