Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii lagu qaaday hoyga Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan, oo ahaa Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, kaas oo ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Golaha ayaa sheegay in weerarka uu walaac weyn dhaliyay, gaar ahaan eedeymaha la xiriira in diyaarado aan duuliye lahayn oo taageero shisheeye heysta ay ku lug lahaayeen weerarka, kaas oo lagu sheegay in Jeneraal Mahad iyo xubno kamid ah qoyskiisa ay ku dhaawacmeen.
Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale xusay in Jeneraal Mahad horey xilka looga qaaday, isla markaana loo xiray khilaaf siyaasadeed oo lala xiriiriyay xiriirka qoys ee uu la leeyahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.
Sida uu Golaha sheegay, Jeneraal Mahad laguma soo oogin, mana lagu eedeyn wax dambi ah oo la xiriira falal argagixiso ama dembiyo kale.
Dhanka kale, Golaha ayaa walaac ka muujiyay hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in aysan mas’uul ka ahayn weerarka, iyadoo dowladda ay sheegtay in qaraxa uu ka dhashay walxo qarxa oo lagu diyaarinayay gudaha guriga.
Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in haddii eedeymahaasi ay noqdaan kuwo aan sal adag lahayn, ay abuuri karaan tusaale khatar ah, maadaama mustaqbalka qof siyaasadda ka soo horjeeda lagu weerari karo, kadibna mas’uuliyadda lagu saari karo walxo qarxa oo lagu sheegay inay gurigiisa yaalleen.
Golaha ayaa dalbaday in si degdeg ah loo sameeyo baaritaan madax-bannaan oo lagu ogaanayo waxa dhab ahaan ka dhacay Doolow, cidda amartay ama suuragelisay weerarka iyo haddii ay awood ciidan oo shisheeye ku lug lahayd.
Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka ayaa ugu baaqay dhammaan saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya inay hubiyaan in hubka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, xogaha sirdoonka iyo taageerada amni ee Soomaaliya loo adeegsado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo keliya, isla markaana aan loogu adeegsan khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dalka.
Golaha ayaa ku adkeystay in taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya aysan la micno ahayn taageerada xukuumad ama shaqsi xil haya, balse awoodaha iyo taageerada la siiyo dowladda loogu talagalay ujeeddooyin amni iyo la-dagaallanka Al-Shabaab, ayna tahay inaan loo adeegsan mucaaradka siyaasadeed.


