Bannaanbax ka dhan ah Turkiga oo ka dhacay Kismaayo

Bannaanbax looga soo horjeedo dowladda Turkiga ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, iyadoo dadkii ka qeyb galay ay muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan siyaasadda iyo faragelinta ay sheegeen in Turkigu ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya.

Dibadbaxayaasha ayaa watay astaamo iyo qoraallo ka dhan ah dowladda Turkiga, iyagoo si cad u muujiyay mowqifkooda ku aaddan waxa ay ku tilmaameen gardarro iyo faragelin shisheeye oo ka jirta qeybo ka mid ah dalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo ka hadlay bannaanbaxyada ayaa dowladda Federaalka iyo Turkiga u jeediyay eedeymo culus.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa sheegay in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay sabab u tahay dowladda Federaalka, isagoo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu dalka geliyay xaalad adag.

Wasiirka ayaa yiri“Dowladnimadii iyo wax wada lahaanshihii waxaa waxba kama jiraan ka dhigay Xasan Sheekh oo waqtigiisu dhamaaday, annaguna diyaar ayaan u nahay inaan iska difaacno isaga iyo gumaystaha cusub.”

Dhanka kale, Guddoomiyaha Degmada Kismaayo, Cumar Faraweyne, ayaa si adag u weeraray dowladda Turkiga, isagoo ku eedeeyay inay Soomaaliya ka waddo faragelin.

Guddoomiyaha ayaa yiri“Turkiga waa gumayste cusub oo Soomaaliya qabsaday.”

Bannaanbaxyadan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada, iyadoo sidoo kale ay jiraan dood iyo eedeymo la xiriira kaalinta dowladaha shisheeye ee siyaasadda iyo amniga Soomaaliya.

WARARKII KALE

Gedo:’Muxuu daaran yahay Safarka Taliyaha Ciidanka Lugta ee ku tagay Baardheere?

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka...

Soomaaliya oo si adag u Cambaareysay soo noqoshada Burcad-badeedda

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay soo...

DFS oo shaacisay magacyada xubnihii Al-shabaab ee lagu dilay Howlgalkii Buula-Fulaay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay...

Israa’iil oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Safarka Somaliland, Qatar, Masar iyo Urdun

Golaha Amniga Qaranka Israa’iil ayaa muwaadiniinta dalkaasi uga digay...

Sheekh Cali Wajiis “Cid Kasta oo Dowlad La Dagaallanta Waa Argagixiso, Waana in la dilo”

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culumada magaalada...

Jubbaland oo ku dhawaaqday bannaanbaxyo looga soo horjeedo DF iyo duqeyntii Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in bannaanbaxyo waaweyn laga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles