Israa’iil oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Safarka Somaliland, Qatar, Masar iyo Urdun

Golaha Amniga Qaranka Israa’iil ayaa muwaadiniinta dalkaasi uga digay inay u safraan afar dal iyo deegaan ay ku jirto Somaliland, iyadoo digniinta lagu sheegay inay sidoo kale khuseyso dadka qorsheynaya inay meelahaasi u maraan transit.

Sida uu ku waramay Telefishanka i24, digniinta ayaa lagu daray Somaliland, Urdun, Qatar iyo Masar, iyadoo Israa’iil ay sheegtay inay jiraan khataro amni oo ay muwaadiniinteeda kala kulmi karaan goobahaasi.

Golaha Amniga Qaranka Israa’iil ayaa digniinta ku sababeeyay waxa uu ku sheegay hanjabaado ka dhan ah Israa’iiliyiinta iyo khataro uga iman kara kooxaha xagjirka ah ee ka howlgala ama saameynta ku leh qaar ka mid ah goobahaasi.

Digniinta ayaa sidoo kale muwaadiniinta Israa’iil ku boorrisay inay si gaar ah uga taxaddaraan safarrada ay ku tagayaan goobaha lagu tilmaamay inay leeyihiin khatar amni, xitaa haddii aysan ahayn halka ay u socdaan ee ugu dambeysa balse ay u marayaan safarka transit-ka.

Ilaa hadda, Somaliland wax war ah kama soo saarin digniinta Israa’iil iyo sababaha ay dowladda Israa’iil u sheegtay inay khatar ugu aragto muwaadiniinteeda inay u safraan Somaliland.

Digniintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay gobolka Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe ka jiraan xaalado amni iyo siyaasadeed oo xasaasi ah.

WARARKII KALE

Gedo:’Muxuu daaran yahay Safarka Taliyaha Ciidanka Lugta ee ku tagay Baardheere?

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka...

Soomaaliya oo si adag u Cambaareysay soo noqoshada Burcad-badeedda

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay soo...

DFS oo shaacisay magacyada xubnihii Al-shabaab ee lagu dilay Howlgalkii Buula-Fulaay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay...

Sheekh Cali Wajiis “Cid Kasta oo Dowlad La Dagaallanta Waa Argagixiso, Waana in la dilo”

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culumada magaalada...

Jubbaland oo ku dhawaaqday bannaanbaxyo looga soo horjeedo DF iyo duqeyntii Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in bannaanbaxyo waaweyn laga...

Bannaanbax ka dhan ah Turkiga oo ka dhacay Kismaayo

Bannaanbax looga soo horjeedo dowladda Turkiga ayaa ka dhacay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles