Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorshaysan oo ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, 4-tii Sebtembar 2026 ka fuliyeen deegaanka Buula-Fulaay ee Gobolka Bay, kaas oo lagu dilay 14 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Sida ay dowladda sheegtay, dadka lagu dilay howlgalka ayaa isugu jiray shan horjooge iyo sagaal ka mid ah ilaaladii la socotay.
Horjoogayaasha la dilay ayaa kala ahaa:
1. Bishaar Maxamed Muqtaar (Sheekh Bishaar)
Dowladdu waxay sheegtay inuu muddo dheer ka tirsanaa waxa ay ugu yeeraan xafiiska garsoorka Al-Shabaab, xilliga la dilayna uu kooxda uga magacawnaa qaadiga Gobolka Gedo. Waxa uu sidoo kale xilal noocaas ah kasoo qabtay gobollada Bay iyo Shabeellaha Hoose.
2. Cali Nuur Maxamed Idiris
Waxaa lagu sheegay inuu ahaa horjooge ka tirsanaa waxa ay kooxda ugu yeerto Katiibada, isla markaana uu ka mid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay maleeshiyaadka Al-Shabaab ee Gobolka Bay. Dowladda ayaa sheegtay inuu qayb ka ahaa abaabulka iyo fulinta weerarro ka dhacay magaalada Baydhabo.
3. Xuseen Xasan Daahir (Lahelow)
Dowladdu waxay sheegtay inuu kooxda uga magacawnaa waxa ay ugu yeerto Amiirka Sariyada Gobolka Bay, isagoo mas’uul ka ahaa hoggaaminta maleeshiyaadka hubaysan iyo isku-dubbaridka dhaqdhaqaaqyada kooxda ee gobolka.
4. Nuur Cabdullaahi Xaashi (Sudeysi)
Waxaa lagu sheegay inuu ahaa horjoogaha qaraxyada Al-Shabaab ee Gobolka Bay, isagoo mas’uul ka ahaa qaybta kooxda u qaabilsan diyaarinta iyo adeegsiga walxaha qarxa.
5. Cumar Xasan Xuseen, Dowladdu waxay sheegtay inuu ka tirsanaa qaybta qaraxyada Al-Shabaab, isla markaana uu ka shaqeynayay shabakadaha kooxda ee gobollada dalka.
Dhanka kale, dowladda ayaa sheegtay in howlgalka dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay Jacfar Abuu Xamsa, oo Al-Shabaab ugu magacawday waxa ay ugu yeerto “Waaliga Gobolka Bay”, iyo Xasan Ibraahim, oo ka tirsanaa waaxda baadda iyo lacagaha sharci-darrada ah ee gobolka.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in howlgalkaasi uu dhabar-jab ku yahay hoggaanka, awoodda abaabulka iyo shabakadaha qaraxyada Al-Shabaab ee Gobolka Bay.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada qorshaysan ee lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo wiiqo awoodda kooxda loona xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.


