Golaha Amniga Qaranka Israa’iil ayaa muwaadiniinta dalkaasi uga digay inay u safraan afar dal iyo deegaan ay ku jirto Somaliland, iyadoo digniinta lagu sheegay inay sidoo kale khuseyso dadka qorsheynaya inay meelahaasi u maraan transit.
Sida uu ku waramay Telefishanka i24, digniinta ayaa lagu daray Somaliland, Urdun, Qatar iyo Masar, iyadoo Israa’iil ay sheegtay inay jiraan khataro amni oo ay muwaadiniinteeda kala kulmi karaan goobahaasi.
Golaha Amniga Qaranka Israa’iil ayaa digniinta ku sababeeyay waxa uu ku sheegay hanjabaado ka dhan ah Israa’iiliyiinta iyo khataro uga iman kara kooxaha xagjirka ah ee ka howlgala ama saameynta ku leh qaar ka mid ah goobahaasi.
Digniinta ayaa sidoo kale muwaadiniinta Israa’iil ku boorrisay inay si gaar ah uga taxaddaraan safarrada ay ku tagayaan goobaha lagu tilmaamay inay leeyihiin khatar amni, xitaa haddii aysan ahayn halka ay u socdaan ee ugu dambeysa balse ay u marayaan safarka transit-ka.
Ilaa hadda, Somaliland wax war ah kama soo saarin digniinta Israa’iil iyo sababaha ay dowladda Israa’iil u sheegtay inay khatar ugu aragto muwaadiniinteeda inay u safraan Somaliland.
Digniintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay gobolka Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe ka jiraan xaalado amni iyo siyaasadeed oo xasaasi ah.


