Soomaaliya oo si adag u Cambaareysay soo noqoshada Burcad-badeedda

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay soo laba-kacleynta burcad-badeednimada ee xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed, iyadoo ku baaqday iskaashi caalami ah oo lagu sii daayo badmaaxiinta la haysto laguna burburiyo shabakadaha burcad-badeedda.

Dowladdu waxay sheegtay in ciidamada Soomaaliyeed ay howlgallo ka wadaan badda iyo dhulka, iyadoo tusaale u soo qaadatay howlgalkii lagu soo furtay markabka MV Lutuf 29-kii Agoosto.

Soomaaliya waxay sidoo kale xustay Qodobka 100-aad ee UNCLOS, kaas oo dowladaha ku waajibinaya iskaashi ka dhan ah burcad-badeednimada, waxayna sheegtay inay arrintan horgeyn doonto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Laba Qodob ayaa meesha ku jirta in dowladu ay kaashan rabto dalal dagaal la gala burcada iyo in ay diidantahay in dhaqaale ama taageero maamulada laga siiyo la dagaalanka burcada.

Soomaaliya oo xubin ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay arrinta burcad-badeedda horgeyn doonto Golaha Ammaanka, iyadoo sidoo kale la shaqeyn doonta saaxiibbadeeda caalamiga ah, kuwa gobolka iyo kuwa laba geesoodka ah.

Dowladdu waxay tilmaantay in iskaashigaasi uu ku jiri doono Xeerka Anshaxa Jabuuti (Djibouti Code of Conduct) iyo wax-ka-beddelka Jeddah, si loo sii daayo badmaaxiinta la haysto loona burburiyo shabakadaha burcad-badeedda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn sheegtay inaysan oggolaan doonin in biyaha Soomaaliya ay noqdaan meel ay ku dhuuntaan ama ku badbaadaan kooxaha ka ganacsada dambiyada badda.

WARARKII KALE

Gedo:’Muxuu daaran yahay Safarka Taliyaha Ciidanka Lugta ee ku tagay Baardheere?

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka...

DFS oo shaacisay magacyada xubnihii Al-shabaab ee lagu dilay Howlgalkii Buula-Fulaay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay...

Israa’iil oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Safarka Somaliland, Qatar, Masar iyo Urdun

Golaha Amniga Qaranka Israa’iil ayaa muwaadiniinta dalkaasi uga digay...

Sheekh Cali Wajiis “Cid Kasta oo Dowlad La Dagaallanta Waa Argagixiso, Waana in la dilo”

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culumada magaalada...

Jubbaland oo ku dhawaaqday bannaanbaxyo looga soo horjeedo DF iyo duqeyntii Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in bannaanbaxyo waaweyn laga...

Bannaanbax ka dhan ah Turkiga oo ka dhacay Kismaayo

Bannaanbax looga soo horjeedo dowladda Turkiga ayaa ka dhacay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles