MW Xasan Sheekh oo tagay Taliska Qaybta 1-aad, Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Qaybta 1-aad, Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Cutubyo ka tirsan Guutada 21-aad ee Gorgor, kuwaasi oo dhowaan soo dhammaystay tababar heer sare ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixinno ka dhageystay Taliska iyo saraakiisha ciidamada, isaga oo mid mid u booqday xafiisyada Taliska, deegaanka ciidamada, Isbitaalka Qaybta iyo xarumaha saadka, isla markaana u kuurgalay xaaladda guud ee ciidamada, adeegyada ay helaan iyo diyaar-garowgooda hawlaha qaranka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka ciidamada Gorgor ee difaaca dalka iyo la dagaallanka Khawaarijta, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, ayna ka shaqeeyaan xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ah xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah Khawaarijta .

Ugu dambaun, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dowladda iyo shacabka Türkiye uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay ka geystaan dib-u-dhiska, tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhismaha iyo horumarinta cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Sheekh Shariif oo ka hadlay askari lagu dilay Shabeelada dhexe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka...

Somaliland oo ka hadashay xariga weriye Xassan Gallaydh

Booliska Maamulka Soomaaliland ayaa ka hadlay xarigga wariye Xasan...

DFS oo ka hadashay halka uu marayo wada-hadalka Mucaaradka

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay halka uu marayo wada-hadallada...

KGS, CXDS iyo AUSSOM oo ku heshiiyay dagaal wadajir ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, si loo sugo amniga Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed iyo talisyada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa...

Diyaaradaha dagaalka oo duqeymo xooggan ka fuliyay G/Sh/Dhexe

Diyaaradaha dagaalka ayaa xalay duqeymo xooggan ka fuliyay deegaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles