Urur siyaasadeedkaTowfiiq oo ka mid aha ururadii ka qayb qaatey doorashadii ka dhacday Galmudug taas oo markii dambe maxkamadda sare ee Soomaaliya amartay in dib loogu celiyo ayaa soo saaarey warsaxaafadeed ay ku cadeeeyeen mowqifkooda doorashada la filayo inay ka dhacdo maamul goboleedka Galmudug.
War-saxaafadeed ay soo saareen ururku ayey kaga hadleen dhowr qoddob oo ku saabsan doorashada
“Ururka Towfiiq wuxuu si Rasmi ah uga caddaynayaa mowqifkiisa ku aaddan doorashada ku celiska ah ee Galmudug, isagoo xaqiijinaya in Ururku diyaar u yahay ka qaybgalka doorashoyinka isku sidkan, si waafaqsan sharciga, xeerarka iyo habraaca doorashooyinka dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxaa intaas raaciyeen in “ Ururka Towfiiq wuxuu ka walaacsan yahay tallaabada ay qaadeen Guddiga Doorashada, oo si ula kac ah uga reebeen ururka liiska ururrada ka qaybgalaya doorashada Galmudug, Waxaa xusid mudan in Ururka Towfiiq uu ahaa ururkii maxkamadda ka dalbaday in doorashada lagu celiyo, kaddib markii uu arkay in la hareer maray habraacyadii iyo shuruucdii doorashada dalka. Sidaas darteed, waxaa layaab noqotay in ururkii dalbaday saxida doorashada, uu baraha bulshada ku arko ka reebidiisa doorashada.”
Qoraalka ururka Towfiiq ayaa baaq loogu jeediye guddiga doorashada iyo madaxweynaha Soomaaliya.
“Ururka Towfiiq wuxuu sidoo kale Guddiga ugu baaqayaa inay ka fogaadaan wax kasta oo loo fasiran karo eex, takoor ama awood sheegasho, ayna ku shaqeeyaan dhexdhexaadnimo, caddaalad iyo ku dhaqanka sharciga. Ururku wuxuu aaminsan yahay in tallaabada Guddiga Doorashada ay qaadeen ay la xiriirto dacwaddii Ururku ka gudbiyey natiijadii doorashada. Arrintaasna Ururku wuxuu u arkaa mid aan waafaqsanayn mabaadi’da caddaaladda iyo hannaanka, Ururka Towfiiq wuxuu si gaar ah ugu baaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ah ilaaliyaha Dastuurka iyo dowladnimada dalka, inuu si degdeg ah u soo farageliyo arrintan, isla markaana uu xaqiijiyo in dhammaan dhinacyadu u hoggaansamaan sharciga iyo amarka maxkamada sare.”
Gabagabada war-saxaafadeedka ururka Towfiiq ayaa baaq loogu diray taageerayaashooda “Ururku Towfiiq wuxuu ugu baaqayaa Bulshada reer Galmudug iyo taageerayaasha Ururka towfiiq in ay udiyaar garoobaan kulamo iyo banaanbaxyo nabadeed ay ku muujinayaan dareenkooda ku aadan in aydoonayaan doorasho udhacda si xor iyo xalaal ah”
Ururka Towfiiq oo soo saaray mowqifkooda ku saabsan doorashada ku celiska ah ee Galmudug
NAGU SOO BIIR


