Israa’iil oo sheegtay in ay dishay taliye milatari oo Xamaas ka tirsanaa

Ciidamada Israel ayaa sheegay inay Isniintii Gaza ku dileen shan xubnood oo ka tirsanaa Xamaas, oo uu ku jiro taliye militari, intii uu socday hawlgal ay halkaas ka fuliyeen.

Wargeyska Times of Israel ayaa sheegay in ciidamada Israel iyo hay’adda amniga gudaha ee Shin Bet ay toddobaadyadii u dambeeyay xoojiyeen hawlgallada ay ugu yeeraan kuwa la dagaallanka argagixisada ee Marinka Gaza.

Taliyaha militariga Xamaas ee Israel sheegtay inay bartilmaameedsatay ayaa lagu magacaabi jiray Axmad Al-Batsh, oo loo yaqaanay Abu Osama. Warbaahinta Xamaas ayaa sidoo kale xaqiijisay geeridiisa.

Wakaaladda Fars  ee xiriirka dhow la leh Ilaalada Kacaanka Iran ayaa, iyadoo soo xiganaysa warbaahinta Gaza Al-Aan, sheegtay in Al-Batsh uu ahaa taliye ka tirsan Guutada Izz al-Diin al-Qassam, isla markaana lagu dilay duqeyn cirka ah oo Israel ka fulisay Gaza.

Al Jazeera ayaa iyaduna sheegtay in Al-Batsh lagu dilay duqeyn lagu qaaday gaari marayay waddada Al-Saftawi, oo waqooyi ka xigta magaalada Gaza, dhanka galbeed ee Jabalia.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles