DFS oo si adag u cambaareysay weerar diyaaradeed oo lagu bartilmaameedsaday Makkah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay isku day weerar oo loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn, taas oo lagu bartilmaameedsaday magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarramah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidamada Difaaca Cirka ee Sacuudiga ay qabteen isla markaana burburiyeen diyaaradda aan duuliyaha lahayn, ka hor inta aysan gaarin magaalada Makkah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale cambaareysay weerarradii dhawaan lagu qaaday goobaha ay dadka rayidka ah deggan yihiin ee gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Soomaaliya ayaa sheegtay inay garab istaag buuxa la taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo shacabka dalkaasi, iyadoo xustay xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale caddeysay in Sacuudigu xaq u leeyahay inuu difaaco dhulkiisa, dadkiisa iyo goobaha barakeysan ee Islaamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn muujisay sida ay uga go’an tahay taageerada dadaallada lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo goobaha barakeysan ee Islaamka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Qaramada Midoobay oo soo saartay digniin culus

Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa hoos-u-dhac weyn oo ku...

Puntland iyo Mareykanka oo xaqiijiyey duqeyn lagu beegsaday xarun hubka Al-Shabaab ku kaydsanayeen

Maamulka Puntland iyo Mareykanka ayaa xaqiijiyey in howlgal milatari...

Janan oo heegaan sare geliyay ciidanka ku sugan degmada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee deegaanada...

Aadan Madoobe oo amar ku bixiyay in la xoojiyo amniga Baydhabo

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ciidanka Danab oo howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Leego

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles