Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale Arbacadii fiidkii, intii uu ka qaybgalayay munaasabad ololaha doorashada xilliga dhexe ee gobolka North Carolina, sheegay in Iraan ay doonayso heshiis.
Mr Trump ayaa sidaas ka sheegay isu-soo-bax uu taageerayay musharraxa Jamhuuriga ee Senate-ka, Michael Wheatley, oo ka dhacay magaalada Gastonia:
“Waxaan rajaynayaa in aan ku dhow nahay dhammaadka dagaalka. Waxay doonayaan inay heshiis gaaraan. Waan arki doonaa sida ay wax u socdaan.”
Donald Trump ayaa marar badan ku cel celiyey in Iraan ay doonayso heshiis; hase yeeshee, wadaxaajoodyadii u dhexeeyay Maraykanka iyo Iraan bilihii u dambeeyay ma aysan horseedin heshiis waara, waxaana labada dal ay dhowr jeer qaadayeen tallaabooyin milatari oo ay ku beegsanayaan goobaha midba midka kale.
Welwelka sii kordhaya ee cod-bixiyayaasha ee ku saabsan kor u kaca qiimaha, canshuuraha badeecadaha iyo qiimaha shidaalka, ee uu sababay dagaalka iyo xirnaanshaha marinka Hormuz, ayaa caqabad ku noqday musharraxiin badan oo Jamhuuri ah ka hor doorashada bisha November. Arrintan ayaa laga yaabaa inay ku dhiirrigelisay Donald Trump, ugu yaraan hadalladiisa dadweynaha, inuu kusoo daro inuu Iraan kala xaajoonayo arrimaha taagan oo uu soo afjaro dagaalka.


