Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee deegaanada Jubaland, ahna Hoggaanka guud ee Amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), ayaa guddoomiyay shir looga hadlay xaaladda amniga iyo arrimaha la xiriira nabadgelyada gobolka Gedo.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Gedo, saraakiil ka tirsan ciidamada kala duwan iyo maamulka degmada Baladxaawo.
Intii uu shirku socday, Taliyaha ayaa sheegay in heshiiskii nabadeed ee ay wada gaareen dhinacyadii siyaasadeed iyo ciidan ee ku kala aragti duwanaa arrimaha gobolka gedo uu marayo heer gabagabo ah, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida deeganka.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa ciidamada faray in aan lala hadlin ama aan wax dhibaato ah loo geysan ciidamada ku sugan deegaanka Cumar Jilicoow hadii ay imaadan magalada.
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa ciidamada faray inay galaan heegan buuxa, isla markaana loo diyaargaroobo in loo dhaqaaqo magaalada Doolow Soomaaliya, maadama ay dowladdu iyo maamulka degmadaasi hashiiyeen iyadoo ciidamada dowladda ay haatan ku sugan yihiin magaalada Doolow somaliya


