Puntland iyo Mareykanka oo xaqiijiyey duqeyn lagu beegsaday xarun hubka Al-Shabaab ku kaydsanayeen

Maamulka Puntland iyo Mareykanka ayaa xaqiijiyey in howlgal milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab lagu beegsaday xarun kooxda hub iyo rasaas ku kaydsanaysay, taas oo ku taalla deegaanka Markad ee buuraleyda Al-Madow.

Howlgalkan ayaa lagu sheegay inuu si gaar ah u bartilmaameedsaday goob ay Al-Shabaab ku kaydsanayeen hub iyo rasaas loogu talagalay taageeridda hawlgallada kooxda iyo weerarrada ka dhanka ah shacabka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Puntland ayaa sheegtay in howlgalka uu qeyb ka yahay ololaha lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee waqooyiga Soomaaliya, iyadoo la beegsanayo goobaha iyo kaabayaasha ay kooxdu u adeegsato kaydinta hubka iyo sahayda.

Sidoo kale, Puntland iyo Mareykanka ayaa sheegay in beegsiga xarumaha noocan ah uu qeyb ka yahay dadaallada lagu dhimayo awoodda hawlgal ee Al-Shabaab, gaar ahaan awoodda ay u leedahay qorsheynta iyo fulinta weerarrada.

Labada dhinac ayaa xusay in howlgalka uu yahay tallaabo ka mid ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida waqti dheer ee waqooyiga Soomaaliya, iyadoo la wiiqayo awoodaha kooxaha hubeysan ee ka howlgala deegaannada buuraleyda ah.

WARARKII KALE

DFS oo Cali Jeyte dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan ay sii xoogeysanayso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cali Jeyte Cismaan, hoggaamiyihii hore...

Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay dalabka hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab iyo Daacish ee gogosha wada-hadalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah oo lagu dilay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 6-aad, Qeybta...

Bangiga Adduunka oo ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed ee uu siiyo Muqdisho

Bangiga Adduunka ayaa ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed...

Deni oo la kulmay Safiirka Ingiriiska iyo arrimo xasaasi ah oo ay ka wadahadleen

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka...

Danjiraha Turkiga iyo Waare oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo gobolka

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles