La-taliyaha Mojtaba Khamenei ayaa sheegay in marinka Hormuz aan la furi doonin ilaa inta Trump uu xukunka hayo

Mohammad Baqer Zolghadr oo ah la-taliyaha dhanka siyaasadda hoggaamiyaha cusub ee Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa sheegay in dalkiisu aanu doonayn in uu furo marinka Hormuz inta uu Donald Trump xukunka hayo.

Bayaan ay Khamiistii daabacday wakaaladda wararka Iran, ayuu Mr. Zolghadr ku sheegay sidan, “Ummaddani waxay go’aansatay in ay jabiso geeska cadowga gardarrada wada oo ay dhabarka ka jabiso kuwa kibirka badan.”

Wuxuu intaas ku daray in marinka Hormuz aan la furi doonin ilaa Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu laga “tuurayo” “kursiga,” isagoo sheegay in tani ay tahay “marxaladda koowaad ee aargoosiga Iran.”

Donald Trump ayaa sii wada hadallada is-khilaafsan ee ku saabsan dagaalka Iran halka gudaha Iran lagu kala qeybsan yahay in dagaalka la sii wado ama wadaxaajood lala galo Mareykanka.

Qaar ka mid ah saraakiisha sare ee siyaasadda dalka, sida Massoud Pezhikian iyo Mohammad Bagher Qalibaf, ayaa ku baaqaya in Maraykanku dib ugu laabto qodobbadii Is-afgaradka Islamabad, ayna taas u arkaan shuruud hordhac ah oo lagu joojin karo dagaalka, xubno ku adag mowqifkooda, oo ay ku jiraan taliyeyaasha Ilaalada Kacaanka, ayaa ka hadlay sii wadidda dagaalka iyo in marinka Hormuz sii xirnaado, iyagoo taas u arka hab wax-ku-ool ah oo looga hortagi karo Maraykanka iyo Israel.

Dhanka kale, sicir-bararka, cunaqabateynta dhaqaale, iyo go’doominta badda ee lagu hayo dakadaha koonfurta Iran ayaa xaaladaha nololeed ee muwaadiniinta dalka sii adkeeyay. Hoos u dhaca qiimaha Rial-ka Iran marka loo eego lacagaha caalamka ayaa sidoo kale cadaadis dheeraad ah saaray xaaladaha nololeed ee reer Iran.

WARARKII KALE

Booliska Spain oo bilaabay howlgallo muhaajiriinta looga qaadayo xeebaha Ceuta

Booliska dhulka Spain Ceuta ee ku yaalla Waqooyiga Afrika...

Milateriga Soomaaliya oo howlgal ka sameeyay G/Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka,gaar ahaan ururka 62 aad, huutada lixaad...

Taliye Shub oo bixiyay xogta sida uu u dhacay weeerarkii Doolow

Faahfaahin: Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, S/Guuto: Mahad...

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay Pakistan

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay qaraxa, waxaana...

Milateriga Pakistan ayaa sheegay in ay difaacayaan Sacuudiga

Afhayeen u hadlay milateriga Pakistan ayaa sheegay in dalkiisa...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles