Faahfaahin: Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, S/Guuto: Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaan Taliye Shub, ayaa faahfaahin cusub ka bixiyay weerarkii lagu beegsaday gurigiisa ee dhawaan ka dhacay degmada Dooloow ee gobolka Gedo.
Taliye Shub ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday gurigiisa ay fulisay diyaarad dagaal oo nooca F-16 ah, isagoo si adag udiiday wararkii kasoo baxay dowladda xasan sheikh maxamuud ee mudo-dhaafka ah, ee ahaa in qaraxu ka dhashay walxo qarxa oo gudaha guriga lagu farsameynayay.
Sidoo kale Taliye Shub ayaa sheegay in duqeyntii Doolow uu ka dambeeyay Darawalkii gaariga u waday, kaasi oo uu sheegay inuu hagayay duqeynta
Wuxuu sheegay inuusan aqoon ulahayn farsamaynta qaraxyada, isagoo dowladda xasan sheikh ee mudo-dhaafka ah ku eedeeyay inay xiriir la leedahay dad uu sheegay inay horey ugu lug lahaayeen sameynta qaraxyada.
Dhanka kale, Taliye Shub ayaa sikulul uga hadlay dagaalladii iyo duqeymaha ka dhacay Magaalada Baydhaba, isagoo dhaliil adag ujeediyay dowladda uu mudo-xileeedkeedi dastuuriga ahaa dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadallada Taliye Shub ayaa kusoo aadaya xilli ay weli taagan yihiin eedeymo is-daba-joog ah oo ku saabsan cidda ka dambeysay duqeyntii Talaiye shub lagula beegsaday hoygiisa Degmada Dooloow.
Dowladda xasan sheikh ee mudo-dhaafka ah ayaa beenisay inay ku lug lahayd weerarka, halka maamulka Koonfur Galbeed iyo dhinacyo kale ay ku adkeysanayaan in guriga si toos ah loo bartilmaameedsaday.


