Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika, AFRICOM, ayaa faahfaahin ka bixiyey duqeyn uu Mareykanku 17-kii September ka fuliyey gobolka Sanaag, gaar ahaan deegaanka buuraleyda Calmadow.
AFRICOM ayaa sheegtay in duqeynta lagu beegsaday bakhaar hubka caadiga ah lagu kaydiyo oo ay leedahay Al-Shabaab, iyadoo howlgalka uu dhacay qiyaastii 80 kiiloomitir koonfur-galbeed magaalada Boosaaso.
Taliska Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta lagu fuliyey isku-duwidda Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana AFRICOM, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Soomaaliyeed ay sii wadaan tallaabooyin lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee ay ugu hanjabayso ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniinta Mareykanka ee dibadda jooga.
“AFRICOM, oo ay weheliyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Soomaaliyeed, waxay sii wadayaan inay qaadaan tallaabo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ay ugu hanjabayso ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniinteena dibadda,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka AFRICOM.
Dhanka kale, Puntland ayaa iyaduna sheegtay in howlgalka Mareykanka uu ahaa mid lala kaashaday dhinaca Puntland, hase yeeshee bayaanka Puntland ee ku saabsan duqeynta ma xusin Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Farqiga u dhexeeya labada bayaan ayaa imanaya iyadoo AFRICOM ay si cad u sheegtay in duqeynta lagu fuliyey isku-duwidda Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka Puntland ay xoogga saartay iskaashiga ay sheegtay inay la leedahay Mareykanka.
AFRICOM ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan ciidamada ama diyaaradaha loo adeegsaday duqeynta, iyadoo sheegtay in xogtaasi aan la shaacin sababo la xiriira amniga howlgalka.


