Saturday, August 30, 2025

SoDMA iyo WFP oo kawada hadlay arrimaha gar-gaarka dalka

Guddoomiyaha hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, mudane, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA ku soo dhaweeyay madaxa hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ee Bariga Afrika mudane, Laurent Bukera.

Kulanka labada masuul ayaa si dhaw loogu falanqeeyay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, sidii ay wada-shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka iyo abuuridda jawi u fududeenaya bahwadaagta howlaha gargaarka in ay waajibaadkooda si fudud u gutaan.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa ka codsaday Laurent Bukera oo booqashadiisu ku soo aaday xilli laga cabsi qabo natiijo taban oo ka dhalata abaarta in hay’adda WFP si dhaw ula shaqayso SoDMA iyo wasaaradaha Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka ee dowlad gobolleedyada.

Guddoomiyaha oo bogaadiyay xariirka shaqo ee ka dhaxeeya SoDMA iyo WFP, ayaa guud ahaan hay’adaha gargaarka iyo deeq-bixiyayaasha ugu baaqay in indhaha lagu hayo xaaladda abaareed ee dalka ka taagan.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa muxuu ka yiri doorashada maanta ka dhacday Waqooyi Bari?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

MW Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa loo doortay Waqooyi Bari

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo...

70 qof oo tahriibayaal ahaa oo badda ku dhintay

Ugu yaraan 70 qof ayaa ku dhintay badda kadib...

C/rashiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay Madaxweyne Ku-xigeenka Waqooyi-Bari Soomaaliya

Doorashada ka socotay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka cusub...

Firdhiye oo loo doortay Madaxweynaha Waqooyi-Bari Soomaaliyav

Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa si rasmi ah loogu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles