Turkiga oo beeniyey in xayiraad fiiso ku soo rogtay muwaadiniinta Soomaaliyeed

Dowladda Turkiga ayaa beenisay warar lagu baahiyey baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta, kuwaas oo sheegayay in Soomaaliya ay xayiraad fiiso ku soo rogtay muwaadiniinta Turkiga.

Waaxda Turkiga u qaabilsan la dagaallanka wararka been abuurka ayaa sheegtay in wararkaasi ay yihiin xog aan sal lahayn oo lagu marin habaabinayo bulshada.

Qoraalka ka soo baxay waaxdaasi ayaa lagu sheegay in aysan wax isbeddel ah ku imaan shuruudihii hore ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Turkiga ee la xiriiray socdaalka iyo fiisaha.

Sida ay sheegtay dowladda Turkiga, muwaadiniinta labada dal ayaa weli ku socda nidaamka fiisaha ee labada dhinac ka dhexeeya, iyadoo aan la soo rogin wax xayiraad cusub ah ama wax ka beddel lagu sameeyay shuruudihii jiray.

Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in wararka sheegaya in Soomaaliya ay xayiraad fiiso saartay muwaadiniinta Turkiga ay yihiin isku day lagu dhaawacayo xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Waaxda la dagaallanka wararka been abuurka ee Turkiga ayaa xustay in xiriirka labada dal uu sannadihii u dambeeyay sii xoogeysanayay, iyadoo labada dhinac ay leeyihiin iskaashi muddo dheer soo jiray.

Dowladda Turkiga ayaa bulshada ugu baaqday inaysan rumaysan wararka aan salka lahayn, ayna ku tiirsanaadaan oo keliya wararka iyo bayaannada ay soo saaraan hay’adaha rasmiga ah ee ay khusayso.

Wararka ku saabsan xayiraadda fiisaha ayaa kusoo aadaya xilli xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu ku salaysan yahay iskaashi dhinacyo badan leh, gaar ahaan amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha diblomaasiyadda.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta...

Aadan Madoobe oo la shiray Ciidamada Itoobiya

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Guddoomiye Jaamac oo war ka soo saaray halista Kooxaha Burcad badeeda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa bayaan...

Weriye Boqorka Bartamaha oo lagu dilay Jarmalka

Alle ha u naxariistee waxaa ku geeriyooday ruugcaddaa saxaafadeed...

DF oo ka hadashay xiisada ka taagan Hiiraan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay xiisadda ka...

Maraykanka iyo Denmark oo heshiis ka gaaray amniga Greenland

Maraykanka iyo Denmark ayaa ku dhawaaqay heshiis ku saabsan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles