Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa bayaan kasoo saaray dhibaatada ay dalka ku hayaan kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo kusoo badanaya Xeebaha Soomaaliya.
Qoraalka guddoomiyaha ayaa u qornaa sidan:-
Burcad-badeednimada ka jirta xeebaha Soomaaliya ma aha oo keliya caqabad dhinaca amniga badaha ah. Waxay saameyn culus ku yeelatay dalkeenna, dadkeenna, badmaaxiinta, kaluumeysatada, dhaqaalaha gobolka iyo ganacsiga caalamiga ah.
Gudaha Soomaaliya, burcad-badeednimadu waxay dhaawacday sumcadda dalka, waxay caqabad ku noqotay horumarinta dhaqaalaha badda iyo kalluumeysiga sharciga ah, waxay khatar gelisay bulshooyinka ku nool xeebaha, waxayna wiiqday kalsoonida lagu qabo amniga biyaha Soomaaliya.
Heer caalami burcad-badeednimadu waxay kordhisay kharashaadka gaadiidka badda, caymiska iyo sugidda amniga maraakiibta, iyadoo badmaaxiin badan ay la kulmeen afduub, rabshado iyo muddo dheer oo ay afduub loohaystay.
Saameynta dhaqaale ee burcad-badeednimaduna waxay ahayd mid aad u weyn. Cilmi-baaris uu sameeyey Bangiga Adduunka ayaa qiyaastay in muddadii daraasadda lagu sameeyey, burcad-badeednimada Soomaaliya ay dhaqaalaha adduunka ku kordhisay kharash lagu qiyaasay ilaa 18 bilyan oo Doollarka Mareykanka ah sannadkii.
Tani waxay muujinaysaa in burcad-badeednimadu aysan ahayn oo keliya dhibaato Soomaaliyeed, balse ay saameyn ku leedahay xasilloonida gobolka iyo ganacsiga caalamiga ah.
Sidaas darteed, Soomaaliya waxaa saaran masuuliyad qaran iyo waajibaad caalami ah oo ku saabsan in dhulkeeda iyo biyaheeda aan loo adeegsan saldhig laga fuliyo burcad-badeednimo, afduub iyo dambiyada kale ee la xiriira badaha.
Arrintan awgeed, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu qaaday tallaabo sharci-dejineed oo muhiim ah oo lagu xoojinayo la-dagaallanka burcad-badeednimada iyo ka-hortagga afduubka. 10-kii Nofeembar 2025, Kulankii 13aad ee Kalfadhiga 7aad, Golaha Shacabka wuxuu ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Dib-u-eegista Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo Ka-hortagga Afduubka, Lr. 36 ee 30-ka Abriil 1975, kaas oo muhiim u ah casriyeynta iyo xoojinta hannaanka sharciyeed ee dalka ee la-dagaallanka burcad-badeednimada iyo dambiyada la xiriira.
Sidoo kale, 9-kii Sebteembar 2026, Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo Ka-hortagga Afduubka. Tani waxay ahayd tallaabo kale oo muhiim ah oo lagu xoojinayo qaab-dhismeedka sharciyeed ee Soomaaliya ee la-dagaallanka burcad-badeednimada, afduubka iyo dambiyada kale ee la xiriira badaha.
Ansixinta sharcigan ee labada Aqal waxay muujinaysaa sida Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta sarreynta sharciga, ilaalinta nolosha dadka, sugidda amniga badaha Soomaaliya iyo ka qaybqaadashada amniga badaha ee heer gobol iyo heer caalami.
Hase yeeshee, sharci keliya laguma ciribtiri karo burcad-badeednimada.
Shuruucdeenna waa in ay la socdaan dhaqan-gelin wax-ku-ool ah, xoojinta hay’adaha ammaanka iyo ilaalinta badaha, awoodda hay’adaha garsoorka iyo dacwad-oogista, sugidda amniga xeebaha, iyo abuurista fursado dhaqaale oo wanaagsan oo ay helaan bulshooyinka ku nool deegaannada xeebaha.
Sidoo kale, waa inaan sii xoojinnaa iskaashiga aan la leenahay saaxiibadeenna gobolka iyo kuwa caalamka, iyadoo Soomaaliya ay qaadanayso mas’uuliyadda koowaad ee amniga iyo maamulidda baddeeda.
La-dagaallanka burcad-badeednimadu sidaas darteed ma aha oo keliya arrin amni. Waa qayb ka mid ah dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya, ilaalinta madax-bannaanideenna iyo khayraadkeenna dabiiciga ah, xoojinta dhaqaalaha dalka, badbaadinta dadkeenna, iyo ka qaybqaadashada sugidda amniga ganacsiga caalamiga ah ee mara badaha.
Golaha Shacabka waxaa ka go’an inuu sii xoojiyo qaab-dhismeedka sharciyeed ee lagama maarmaanka u ah xaqiijinta ujeeddooyinkan, isla markaana uu guto waajibaadkiisa korjoogteynta Baarlamaanka si loo xaqiijiyo in shuruucda aan ansixinno si buuxda oo wax-ku-ool ah loo dhaqan-geliyo.
Doodda maanta ee Golaha Shacabka ee ku saabsan burcad-badeednimada Soomaaliya iyo saameynteeda, waxaan Xildhibaannada ku boorrinayaa inay doodda ku saleeyaan xog- ogaalnimo, adinkoo diiradda saaraya saameynta ay ku leedahay amniga, dhaqaalaha, bulshooyinka xeebaha, khayraadka badda iyo ganacsiga caalamiga ah, isla markaana soo jeedinaya xalal wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo amniga badaha iyo la-dagaallanka burcad-badeednimada.


