Maraykanka iyo Denmark ayaa ku dhawaaqay heshiis ku saabsan amniga Greenland, taas oo soo afjartay khilaaf diblomaasiyadeed oo ka dhashay hanjabaado uu madaxweyne Donald Trump ku sheegay in Maraykanku xoog kula wareegi karo dhulkaas.
Trump ayaa sheegay in heshiisku siinayo Maraykanka “gacan-ku-hayn joogto ah oo ku saabsan arrimaha amniga iyo dhammaan baahiyaha kale” ee Greenland.
Ra’iisul Wasaaraha Denmark ayaa sidoo kale sheegay in heshiisku “xoojinayo amniga gobolka Arctic iyo Waqooyiga Badweynta Atlantic”, balse ma uusan faahfaahin qodobada gaarka ah ee uu Trump ku sheegay qoraalkiisa baraha bulshada.
Heshiiskan ayaa yimid kaddib sannado uu Trump ku hanjabayay inuu “la wareegayo” Greenland, isaga oo arrinta ku sababeeyay amniga qaranka. Hanjabaadihiisa ayaa xoogga saaray muhiimadda istiraatiijiyadeed ee gobolka, gaar ahaan dhinaca difaaca, iyo sidoo kale khayraadka macdanta ee ku jira.
Trump ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ee Truth Social ku sheegay in heshiisku “wax kharash ah aanu Maraykanka ugu kacayn”, isla markaana uu Maraykanka u oggolaanayo inuu qaado “tallaabo kasta oo loo baahdo” si “loo xaqiijiyo loona ilaaliyo amniga Greenland.”


