MW Xasan Sheekh oo daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi oo uu martigeliyay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB).

Shirka oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin ka socday hay’adaha dowladda, ganacsato, maamuleyaasha shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta taageerta horumarinta Soomaaliya, ayaa lagu gorfeeyay fursadaha iyo baahiyaha maalgelinta horumarineed ee dalka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray sidii Soomaaliya looga gudbin lahaa marxaladda dib-u-soo-kabashada, looguna gudbi lahaa koboc dhaqaale oo waara.

Madaxweynaha Jamhuuriyada ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan siinayso maalgelinta horumarka waara, kobcinta wax-soo-saarka gudaha iyo xoojinta doorka ganacsiyada gaarka loo leeyahay, si loo abuuro fursado shaqo iyo koboc dhaqaale oo waara.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Hiigsiga Qaranka ee 2060 uu yahay jihada fog ee Soomaaliya ku gaari karto dhaqaale kobcaya iyo horumar waara, taas oo u baahan maalgelin istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, tamarta, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsiyada.

WARARKII KALE

Aadan Madoobe oo la shiray Ciidamada Itoobiya

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Guddoomiye Jaamac oo war ka soo saaray halista Kooxaha Burcad badeeda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa bayaan...

Turkiga oo beeniyey in xayiraad fiiso ku soo rogtay muwaadiniinta Soomaaliyeed

Dowladda Turkiga ayaa beenisay warar lagu baahiyey baraha bulshada...

Weriye Boqorka Bartamaha oo lagu dilay Jarmalka

Alle ha u naxariistee waxaa ku geeriyooday ruugcaddaa saxaafadeed...

DF oo ka hadashay xiisada ka taagan Hiiraan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay xiisadda ka...

Maraykanka iyo Denmark oo heshiis ka gaaray amniga Greenland

Maraykanka iyo Denmark ayaa ku dhawaaqay heshiis ku saabsan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles