Iiraan oo shaacisay war cusub oo la xiriira wafti tagaya Tehran

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Ismaaciil Bagaei, ayaa ku dhawaaqay in wasiirka arrimaha gudaha Pakistan, Mohsen Naqvi, uu Axadda u safri doono Tehran.

Wuxuu sheegay in booqashadu ay noqon doonto kulan diiradda saaraya xiriirka labada dal iyo heshiisyadii hore ee labada dhinac. Waxa kale oo uu sheegay inuusan ka warqabin farriin ama soo-jeedin gaar ah oo ka timid Maraykanka oo la qorsheeyay in loo gudbiyo dhinaca Iran inta lagu guda jiro booqashada.

Hase yeeshee, kulankan ayaa dhacaya xilli Tehran ay shuruudo ku xirtay dib-u-bilaabidda wadaxaajoodyada ay la yeelanayso Washington, iyadoo colaadaha ay weli socdaan, xiisadaha gobolka na ay sii kordhayaan.

Mohsen Rezaei, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa Al Jazeera u sheegay in Tehran ay shuruudaheeda ku aaddan wadaxaajoodyada u gudbisay Maraykanka iyada oo adeegsanaysa dhexdhexaadiyayaal ka socda Qatar iyo Pakistan, ayna hadda “sugayso jawaabta Madaxweyne Trump.”

WARARKII KALE

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar xooggan oo Ukraine ku qaaday Ruushka

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, lix kalena...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles