Digniin ka soo baxday Mareegta online-ka ah ee Safaaradda Mareykanka ee Iraan, ayaa Axaddii, 20-ka Sebtembar, soo saartay digniin degdeg ah oo ay ugu sheegtay muwaadiniinta Mareykanka, in aysan u safri karin Iiraan sabab kasta oo jirta, iyadaoo lagu yiri qoraalka “Sababo la xiriira xiisadaha weli ka jira Bariga Dhexe, xaaladda amni ayaa weli cakiran, waxaana suuragal ah in xiisaddu si lama filaan isku beddesho”.
Waxaa intaas la raaciyey qoraalka “Muwaadiniinta Mareykanka ee hadda ku sugan Bariga Dhexe waa inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, una diyaar garoobaan suuragalnimada in duullimaadyada la joojiyo, hawada la xiro iyo in safarradu hakad galaan”.
Digniinta ayaa lagu soo gabagabeeyay: “Sabab kasta ha ahaatee, ha u safrin Iran. Muwaadiniinta Mareykanka waa inay si degdeg ah uga baxaan Iraan.”
Intii lagu jiray sannadkii la soo dhaafay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa digniino la mid ah u soo saartay muwaadiniinteeda ku sugan Galbeedka Aasiya iyo dalalka ku lugta leh dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iran, iyadoo Mareykanka uga digtay inay dib uga fiirsadaan safarrada ay ku tagayaan gobolka, isla markaana ay qaataan tallaabooyinka taxaddarka ee lagama maarmaanka ah.


