Madaxweynaha Masar iyo Madaxa CIA da amniga Soomaaliya iyo Masar oo taageero u muujisay Soomaaliya

Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Siisi, ayaa sheegay in dalkiisu si buuxda u taageerayo dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, isagoo sidoo kale caddeeyay mowqifka Masar ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Al-Siisi ayaa hadalkan sheegay 20-kii Sebtembar 2026, xilli uu Qaahira kula kulmay madaxa Hay’adda Sirdoonka Dhexe ee Mareykanka (CIA), John Ratcliffe. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay madaxa Sirdoonka Guud ee Masar, Hassan Rashad.

Intii uu kulanku socday, Al-Siisi wuxuu sheegay in Masar ay taageereyso dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, isla markaana ay si cad uga soo horjeeddo tallaabo kasta oo wax u dhimaysa madax-bannaanida ama wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Dhankiisa, John Ratcliffe ayaa muujiyay in Mareykanku uu qadarinayo doorka Masar ee xoojinta amniga iyo xasilloonida Afrika.

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in labada dal ay sii wadaan isku-duwidda iyo wada-tashiga, gaar ahaan xaaladaha Suudaan, Soomaaliya, Geeska Afrika iyo amniga maraakiibta caalamiga ah.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada sirdoonka, caqabadaha amni iyo kuwa juqraafi-siyaasadeed, ururrada argagixisada iyo dambiyada abaabulan.

Kulanka Al-Siisi iyo Ratcliffe ayaa intaas waxaa dheer looga hadlay xaaladaha Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan xiisadda Iran, qorshaha xabbad-joojinta Gaza iyo arrinta Falastiin, iyo sidoo kale dagaalka ka socda Suudaan.

Mowqifka maanta ay Masar mar kale ku xaqiijisay taageerada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya iyadoo Qaahira ay horey u muujisay taageero joogto ah oo ku aaddan midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

Maraykanka oo Eritrea ka qaaday Cunaqabateyntii saarneed

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in cunaqabatayntii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles