Maraykanka oo Eritrea ka qaaday Cunaqabateyntii saarneed

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in cunaqabatayntii lagu soo rogay Ciidamada Difaaca Eritrea iyo qaar ka mid ah hay’adaha dalkaas la qaaday. Go’aankan ayuu Mareykanku ku dhawaaqay Jimcihii, lasoo dhaafay.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli dagaalka Bariga Dhexe uu sii xoogeysanayo, isla markaana indhaha caalamku ay kusii jeedaan dhinaca Badda Cas.

Eritrea waxay leedahay xeeb dheer oo ku taalla Badda Cas, xeebteeduna waxay ka soo horjeeddaa Sacuudiga.

Sida ay sheegeen falanqeeyayaal, xeebta dheer ee dalka iyo halka uu ku yaallo oo ah mid ka mid ah marinnada ugu waaweyn ee maraakiibta ganacsiga ee dunida, Badda Cas, taas ayaana kordhisay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Eritrea.

Falanqeeyayaashu waxay sidoo kale, sheegayaan in tallaabadani ay Mareykanka u furi karto waddo cusub oo uu xiriirka Eritrea kusii wanaajinayo.

Cunaqabataynta Mareykanka uu saaray Eritrea waxay la xiriirtay ku lug lahaanshaha Eritrea ee dagaalkii laba sano socday ee ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, kaas oo bilowday 2020-kii.

Dowladda Mareykanka, xilligii maamulka madaxweynihii hore Joe Biden, ayaa sannadkii 2021 go’aan ka gaartay dagaalka Eritrea iyo Itoobiya. Xilligaas, ciidamada Eritrea waxay taageereen dowladda Itoobiya, waxayna dagaal la galeen ciidamada maamulka gobolka Tigray.

Mareykanka ayaa markaas cunaqabatayn ku soo rogay ciidamada Eritrea iyo saraakiil dowladeed oo dhowr ah, oo uu ku jiray xisbiga talada haya.

Hase yeeshee, hadda Mareykanku wuxuu qaaday qaar ka mid ah cunaqabatayntaas.

Xafiiska Mareykanka u qaabilsan Xakamaynta Hantida Dibadda ayaa sheegay in Mareykanku liiska cunaqabataynta ka saaray Ciidamada Difaaca Eritrea, xisbiga talada haya ee PFDJ, shirkado iyo shaqsiyaad qaarkood.

Dagaalkii Tigray wuxuu istaagay kaddib markii heshiis nabadeed la saxiixay. Hase yeeshee, cunaqabataynta Mareykanka ee hay’adaha qaarkood way sii socotay.

Xitaa kaddib heshiiska, Itoobiya iyo Eritrea ayaa mar kale bilaabay inay isku dhacaan oo ay khilaaf yeeshaan.

WARARKII KALE

DFS oo Cali Jeyte dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan ay sii xoogeysanayso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cali Jeyte Cismaan, hoggaamiyihii hore...

Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay dalabka hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab iyo Daacish ee gogosha wada-hadalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah oo lagu dilay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 6-aad, Qeybta...

Bangiga Adduunka oo ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed ee uu siiyo Muqdisho

Bangiga Adduunka ayaa ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed...

Deni oo la kulmay Safiirka Ingiriiska iyo arrimo xasaasi ah oo ay ka wadahadleen

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka...

Danjiraha Turkiga iyo Waare oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo gobolka

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles