Xasan Sheekh oo New York kula kulmay madaxda Senegal, Zimbabwe iyo Pakistan

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay madaxda Serbia, Senegal, Zimbabwe iyo Pakistan, xilli uu halkaasi uga qeybgalayo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vučić, Madaxweynaha Senegal, Bassirou Diomaye Faye, Madaxweynaha Zimbabwe, Emmerson Dambudzo Mnangagwa, iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Muhammad Shehbaz Sharif.

Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaasi, iyadoo dhinacyadu ay ka wada hadleen arrimo la xiriira nabadda, amniga, horumarka iyo danaha wadajirka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa madaxda uu la kulmay la wadaagay xaaladda guud ee dalka iyo horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada nabadda iyo amniga, dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamada kaga hadlay fursadaha iskaashi ee Soomaaliya ay la yeelan karto Serbia, Senegal, Zimbabwe iyo Pakistan, gaar ahaan dhinacyada ay labada dhinac danaha wadajirka ah ka leeyihiin.

Madaxda ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamka, iyadoo xoogga la saaray muhiimadda ay leedahay iskaashiga dowladaha iyo xoojinta xiriirrada diblomaasiyadeed.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah kulamada doceed ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka wado magaalada New York, isaga oo halkaasi ka wada kulamo uu la yeelanayo madaxda dalal kala duwan iyo mas’uuliyiin caalami ah.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee New York ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay raadineyso in ay sii xoojiso xiriirkeeda caalamiga ah iyo iskaashiga ay la leedahay dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah, iyadoo mudnaanta la siinayo arrimaha amniga, dhaqaalaha, horumarka iyo dowlad-dhiska.

WARARKII KALE

Golaha Shacabka oo laalay qaraarkii Xamse ee tartanka xilalka agaasime-waaxeedyada

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laalay qaraar...

TPLF oo la wareegtay garoonka diyaaradaha Mekelle

Wararka ka imanaya gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa sheegaya...

Shir lagu ansixiyay qorshaha qaran ee El Niño oo ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Jibriil Cabdirashiid Xaaji...

Puntland iyo mucaaradka oo ka digay doorasho la’aan iyo qorsho ay wadaan

Madaxda Puntland iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya...

Amiirka Qatar oo caddeeyay taageerada dalkiisa ee madaxbannaanida Soomaaliya

Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thaani,...

Madaxweynaha Suuriya oo diiday in dalkiisa “shisheeye saldhigyo ku yeesho”

Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharaa, ayaa sheegay in Suuriya aysan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles