Ra’iisul Wasaare Abiy oo shaaciyay in la bilaabayo dhismaha dhuumaha shidaalka ee Jabuuti iyo Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in la daahfuray mashruuca dhuumaha shidaalka ee isku xiri doona Jabuuti iyo Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa saaka oo Khamiis ah u safray Jabuuti, wuxuuna boggiisa rasmiga ah ee Facebook ku sheegay in la bilaabay dhismaha dhuumaha shidaalka ee isku xiri doona Damerjog oo ku taalla Jabuuti iyo Dewele oo ku taalla Itoobiya.

Itoobiya oo aan lahayn xeeb ayaa ganacsigeeda dhoofinta iyo soo dejinta inta badan u marto dekedda Jabuuti, taas oo dalka ku kacda balaayiin doollar sannad kasta.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in mashruuca uu si wadajir ah u daahfuray madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo ganacsadaha Aliko Dangote.

Wuxuu sheegay in dhuumaha cusub ee shidaalka sifaysan laga dhisayo Damerjog ee Jabuuti ilaa Dewele ee Itoobiya, iyadoo labada dhinacba laga dhisayo xarumo lagu kaydiyo shidaalka.

Dhismaha kaabayaasha mashruucan waxaa fulin doona iskaashi ay sameeyeen Ethiopian Investment Holdings iyo Dangote Group.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in mashruucu “yareyn doono kharashaadka iyo dib-u-dhacyada saadka, isla markaana xoojin doono amniga tamarta.”

Wuxuu intaas ku daray in mashruucu dedejin doono, isla markaana sii waari doono isu-socodka ganacsi ee u dhexeeya Itoobiya iyo Jabuuti.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa markii uu saaka gaaray Jabuuti ku dhawaaqay bilowga mashruucan wadajirka ah oo looga gol leeyahay in lagu sii xoojiyo xiriirka dhaqaale ee labada dal.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay wada-hadal qaran iyo doorasho heshiis lagu yahay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha Xisbiga Nabad iyo...

DFS oo ka hortimid hadalka Puntland ee madax-bannaanida

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf...

Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Hirshabelle, Cali Guudlaawe oo lagu soo dhaweeyay magaalada Jowhar

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

Mucaaradka oo fariin u diray Golaha ammaanka ee Q.M

Madasha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa fariin qoraal rasmi ah u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles