Monday, September 1, 2025

Labo garsooreyaal sare ka ahaa Iiraan oo lagu dhex toogtay gudaha maxkamadda ugu sarreysa

Labo garsooreyaal sare ahaa oo Iiraan u dhashay ayaa lagu dhex toogtay gudaha maxkamadda ugu sarreysa dalkaas, sida ay warbaahinta dowladda ku warrantay.

Barta internet-ka ee garsoorka, Mizan, ayaa shaacisay in garsooreyaasha Ali Razini iyo Mohammad Moghiseh la dilay kadib markii nin hubeysan uu maanta gudaha u galay maxkamadda, oo ku taalla caasimadda Iiraan ee Tehran.

Kuwa weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay kadib is dileen xilli ay goobta ka baxsanayeen. Waardiye ayaa sidoo kale la sheegay inuu weerarka ku dhaawacmay.

Ujeeddada ka dambeysa weerarka ma cadda, balse labada garsoore ayaa la sheegay inay door ka ciyaareen xukunka iyo dilka dadka kasoo horjeeday taliska Islaamiga ah laga soo bilaabo sanadihii 1980meeyadii iyo 1990meeyadii.

Mid ka mid ah garsooreyaasha, Razini, ayaa isku day dil ka badbaaday sanadkii 1998.

Midka kale, Moghiseh, Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogay sanadkii 2019.

Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa toddoba garsoore Iiraaniyiin ah oo Canada ay cunaqabateyn kusoo rogtay sanadkii 2023 sababo la xiriira waxa uu dalkaas ugu yeeray doorkooda tacaddiga xuquuqda aadanaha.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles