Madaxweyne Xasan Sheekh “Lama aqbali karo in Afrika matalaad la’aan ku ahaato golaha ammaanka”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay Fadhiga Guud ee Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay xaaladda caalamka, isaga oo xusay caqabadaha ka dhashay colaadaha, loollanka juqraafi-siyaasadeed, isbeddelka cimilada iyo hoos u dhaca iskaashiga caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay guulaha iyo horumarka Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, amniga, dhammeystirka dastuurka, dib u habeynta waxbarashada, kobaca dhaqaalaha iyo hirgalinta doorashooyinka loo dhanyahay.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in Qaramada Midoobay dib loogu soo celiyo kalsoonida caalamka, lana xoojiyo nidaamka dhinacyada badan iyo fulinta go’aannada caalamiga ah, isaga oo carabka ku adkeeyay in aan la aqbalikarin in Qaaradda Afrika ay ka maqnaato fadhiyada lagu go’aaminayo masiirka ummadda dunida.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ee xaqa shacabka reer Falastiin u leeyihiin aayo-ka-tashi, dowladnimo iyo nolol ku dhisan nabad iyo amni, isaga oo ku baaqay in la helo xal waara oo caddaalad ah oo ku saleysan laba dowladood, lana dhiso Dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan.

WARARKII KALE

Ciidamada Puntland oo xoog ku soo furtay markab ay haysteen kooxaha Burcadbadeeda

Ciidamada Difaaca Badda Dowladda Puntland, gaar ahaan Ciidamada Badda...

Masar iyo Eritrea oo ka wada hadlay amniga Badda Cas iyo xaaladda Soomaaliya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Eritrea ayaa kulan...

DFS oo si kulul uga falcelisay warqaddii Deni uu u diray Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay qoraal uu...

 Dowlad xiriirka diblumaasiyadeed u jartay Iran oo dagaal kula jirta Mareykanka

Dowladda Colombia ayaa sheegtay in go’aanka ay ku saleysay...

Askar ka tirsan ciidanka saaran markabka USS Abraham Lincoln oo ku hanjabay inay isdilayaan

Sida uu sheegay ku-simaha Xoghayaha Ciidanka Badda Mareykanka, siddeed...

Netanyahu oo loo banneeyey hoolka golaha QM, xilli uu jeedin rabay khudbaddiisa

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa khudbad uu ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles