Netanyahu oo loo banneeyey hoolka golaha QM, xilli uu jeedin rabay khudbaddiisa

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa khudbad uu ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay si adag ugu difaacay howlgallada milatari ee ciidamadiisu ka wadaan dalka Iiraan, Qasa, Koofurta Lubnaan iyo meelo kale oo Bariga Dhexe ah.

Balse ka horta inta uusan bilaabin khudbaddiisa waxaa hoolka ka kacay tobannaan wakiillo iyo madax si ay uga mudaaharaadaan markii uu masraxa soo fuulay.

Isaga oo ka jawaabaya wufuuddii ka baxday hoolka, ayuu yiri: “Haddii ay jiraan fulayaal kale oo damiir la’ oo aan weli hoolka ka bixin, fadlan hadda baxa”.

Hoggaamiyaha Israa’iil ayaa sidoo kale diiday eedeymaha ah in Israa’iil ay xasuuq ka waddo Gaza, Waxa uuna ku dhaartay inuu sii wadi doono dagaalka, isaga oo yiri: “Waan guuleysan doonnaa. Doorasho kale ma lihin”.

Saacado ka hor, Madaxweynaha Falastiin Mahmoud Cabbas ayaa farriin la duubay oo uu u diray Qaramada Midoobay ku sheegay in siyaasadaha Israa’iil, gaar ahaan isku ballaarinta sharci-darrada ah ee deegaannada Yuhuudda laga sameeyo Daanta Galbeed ee la haysto, ay halis ku yihiin “nolosha iyo jiritaanka shacabka Falastiin ee dhulkooda hooyo.”

WARARKII KALE

Ciidamada Puntland oo xoog ku soo furtay markab ay haysteen kooxaha Burcadbadeeda

Ciidamada Difaaca Badda Dowladda Puntland, gaar ahaan Ciidamada Badda...

Masar iyo Eritrea oo ka wada hadlay amniga Badda Cas iyo xaaladda Soomaaliya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Eritrea ayaa kulan...

DFS oo si kulul uga falcelisay warqaddii Deni uu u diray Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay qoraal uu...

 Dowlad xiriirka diblumaasiyadeed u jartay Iran oo dagaal kula jirta Mareykanka

Dowladda Colombia ayaa sheegtay in go’aanka ay ku saleysay...

Askar ka tirsan ciidanka saaran markabka USS Abraham Lincoln oo ku hanjabay inay isdilayaan

Sida uu sheegay ku-simaha Xoghayaha Ciidanka Badda Mareykanka, siddeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Lama aqbali karo in Afrika matalaad la’aan ku ahaato golaha ammaanka”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles