Sida uu sheegay ku-simaha Xoghayaha Ciidanka Badda Mareykanka, siddeed askari oo ka tirsan shaqaalaha markabka USS Abraham Lincoln ayaa isku dayay inay isdilaan intii ay ku jireen hawlgal milatari oo muddo dheer socday oo Mareykanku ka waday Bariga Dhexe.
Hadalkan ayaa lagu sheegay warqad loo diray Senator-ka gobolka New York, Kirsten Gillibrand, taas oo looga jawaabayay su’aalo ku saabsan caafimaadka iyo fayo-qabka badmaaxiinta ka qayb qaadanayay hawlgalka.
Qoysaska qaar ka mid ah askarta ayaa walaac ka muujiyay xaaladdooda caafimaad ee maskaxeed oo sii xumaanaysa iyo duruufaha shaqo ee adag intii uu hawlgalku socday, kaas oo qayb ka ah howlgallada milatari ee Mareykanka ee ka dhanka ah Iran.
Markabka USS Abraham Lincoln ayaa gobolka ka hawlgalayay tan iyo bishii November ee sannadkii hore, waxaana hadda uu ku sii jeedaa dalka Mareykanka.
Warqadda, ku-simaha Xoghayaha Ciidanka Badda, Hong Kao, ayaa sheegay in markabka loo diray shan wadaad oo ciidamada ah iyo dhowr khabiir oo ku takhasusay caafimaadka maskaxda, si ay u taageeraan baahiyaha ruuxiga ah iyo kuwa nafsiyeed ee askarta.
BBC ayaa la xiriirtay Ciidanka Badda Mareykanka si ay uga hesho faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrintan.
Waxa uu sheegay in dhacdooyinku ay ku lug lahaayeen shaqaalaha markabka USS Abraham Lincoln, iyo sidoo kale badmaaxiinta ka tirsan cutubka duulista ee markabka, askarta ka tirsan ciidamada loo xil saaray hawlgallada badda hoosteeda iyo dhammaan ciidamada cirka ee loo qoondeeyay inay markabka ka howlgalaan.


