DFS oo si kulul uga falcelisay warqaddii Deni uu u diray Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay qoraal uu Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, diray, iyadoo si gaar ah uga falcelisay qodobbo ay sheegtay inay waxyeello ku yihiin midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Qoraal uu bartiisa Facebook ku qoray Wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux, ayaa lagu sheegay in afkaaraha uu tilmaamay aysan ahayn kuwo ay qabaan ama ay raalli ka yihiin shacabka Soomaaliyeed ee Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in aan la aqbali karin in qof dano gaar ah leh ama xambaarsan afkaar uu ku tilmaamay kuwo shisheeye uu isku dayo inuu ku matalo shacabka Puntland, isagoo xusay in arrimaha noocaas ah ay saameyn ku yeelan karaan midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

“Afkaaraha waxyeelada ku ah midnimada ummadda Soomaaliyeed, ma aha kuwo ay qabaan ama raalli ka yihiin shacabka Soomaaliyeed ee Puntland,” ayuu yiri Wasiirka Duulista Soomaaliya.

Maxamed Faarax Nuux ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in waxa uu ka hadlayo ay ka hor imaanayaan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Dastuurka Puntland, isagoo ku tilmaamay arrintaasi mid u baahan in hay’adaha sharciga ay si gaar ah u eegaan.

“Mana aha arrin qof dano gaar ah leh ama xambaarsan afkaaro ajinabi uu ku matalo, waxayna ka hor imaanaysaa Dastuurka DFS iyo kan Puntland,” ayuu wasiirku ku qoray qoraalkiisa.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in arrintaasi ay tahay mid uu ku tilmaamay “khiyaano qaran”, isagoo sheegay in Xeer Ilaalinta heer federaal iyo heer maamul-goboleedba ay tahay inay diiwaangeliyaan, si haddii loo baahdo looga xisaabtamo xilliga ku habboon.

“Waa khiyaano qaran oo ay tahay in ay diiwaan geliyaan Xeer Ilaalinta heer federaal iyo heer maamul goboleedba si looga xisaabtamo xilliga ku habboon,” ayuu yiri Maxamed Faarax Nuux.

Hadalkan ayaa muujinaya sida ay u sii xoogeysanayaan hadallada siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Puntland, xilli labada dhinac ay horey ugu kala aragti duwanaayeen arrimo dhowr ah oo la xiriira dastuurka, doorashooyinka, awoodaha dowladda dhexe iyo xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Jawaabta Wasiirka Duulista Soomaaliya ayaa ku soo aadaysa kadib markii Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uu diray qoraal uu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo arrimo la xiriira xiriirka Puntland iyo dowladda federaalka.

Qoraalka Madaxweynaha Puntland ayaa dhaliyay falcelin siyaasadeed oo ka timid dhinaca dowladda Soomaaliya, iyadoo Wasiir Maxamed Faarax Nuux uu si toos ah uga jawaabay qodobadii uu u arkay inay waxyeello ku yihiin midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo dastuur, iyadoo khilaafka labada dhinac uu marar kala duwan sababay hadallo kulul iyo eedeymo ay labada dhinac isu jeediyaan.

WARARKII KALE

Ciidamada Puntland oo xoog ku soo furtay markab ay haysteen kooxaha Burcadbadeeda

Ciidamada Difaaca Badda Dowladda Puntland, gaar ahaan Ciidamada Badda...

Masar iyo Eritrea oo ka wada hadlay amniga Badda Cas iyo xaaladda Soomaaliya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Eritrea ayaa kulan...

 Dowlad xiriirka diblumaasiyadeed u jartay Iran oo dagaal kula jirta Mareykanka

Dowladda Colombia ayaa sheegtay in go’aanka ay ku saleysay...

Askar ka tirsan ciidanka saaran markabka USS Abraham Lincoln oo ku hanjabay inay isdilayaan

Sida uu sheegay ku-simaha Xoghayaha Ciidanka Badda Mareykanka, siddeed...

Netanyahu oo loo banneeyey hoolka golaha QM, xilli uu jeedin rabay khudbaddiisa

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa khudbad uu ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Lama aqbali karo in Afrika matalaad la’aan ku ahaato golaha ammaanka”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles