Ciidamada Puntland oo xoog ku soo furtay markab ay haysteen kooxaha Burcadbadeeda

Ciidamada Difaaca Badda Dowladda Puntland, gaar ahaan Ciidamada Badda ee sida gaarka ah u tababaran ee PMPF, ayaa maanta sheegay inay hawlgal ka sameeyeen xeebaha Gobolka Mudug, halkaas oo ay kula wareegeen markab ay koox burcad-badeed ah haysteen.

Markabka oo lagu magacaabo MTT-SIBU1 ayaa lagu soo qabtay aagga xeebaha Mudug, kaddib hawlgallo ay ciidamada Puntland maalmahan ka wadeen badda iyo xeebaha.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Badda Puntland, ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay 14 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen kooxdii burcad-badeedda ahayd ee markabka afduubtay.

Ciidamadu waxay sheegeen in hawlgalkan lagu soo furtay markabka iyo shaqaalihii saarnaa, iyadoo wararka laga helayo hawlgalkana ay tilmaamayaan in kooxdii burcad-badeedda ahayd ay la kulmeen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda shaqaalaha markabka iyo tirada khasaaraha ayaa la filayaa in ay kasoo baxdo saraakiisha Puntland.

WARARKII KALE

Masar iyo Eritrea oo ka wada hadlay amniga Badda Cas iyo xaaladda Soomaaliya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Eritrea ayaa kulan...

DFS oo si kulul uga falcelisay warqaddii Deni uu u diray Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay qoraal uu...

 Dowlad xiriirka diblumaasiyadeed u jartay Iran oo dagaal kula jirta Mareykanka

Dowladda Colombia ayaa sheegtay in go’aanka ay ku saleysay...

Askar ka tirsan ciidanka saaran markabka USS Abraham Lincoln oo ku hanjabay inay isdilayaan

Sida uu sheegay ku-simaha Xoghayaha Ciidanka Badda Mareykanka, siddeed...

Netanyahu oo loo banneeyey hoolka golaha QM, xilli uu jeedin rabay khudbaddiisa

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa khudbad uu ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Lama aqbali karo in Afrika matalaad la’aan ku ahaato golaha ammaanka”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles