KGS oo qorsheyneysa in degmo kasta loo dhiso ciidan gaar ah

Maamulka Koofur Galbeed ee uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa wada qorshe lagu dhisayo ciidamo gaar ah oo loo sameynayo degmo kasta oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamadan ayaa loo qorsheeyay inay qaabilaan sugidda amniga degmooyinka iyo deegaanada Koonfur Galbeed, isla markaana ay kaalin ka qaataan xoojinta ammaanka iyo la dagaallanka maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Qorshahan ayaa kusoo aadaya xilli duleedka magaalada Baydhabo laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo militari oo ay wadaan ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Wararka ayaa sheegaya in qorshaha ciidamada degmooyinka uu qeyb ka yahay tallaabooyinka uu maamulka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ku doonayo inuu kaga hortago abaabulka la sheegay in Lafta-gareen iyo xubno taageersan ay ka wadaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Xaaladda ayaa kusoo aadeysa xilli ay sii kordhayaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda.

WARARKII KALE

RW Xamsa oo sameeyay magacaabis cusub

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasimeyaasha...

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay waqooyi-galbeed ee Pakistan

Booliska waqooyi-galbeed ee Pakistan ayaa ku dhawaaqay in ugu...

Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo hakiyay qorshihii Xamsa, taageerayna BFS

Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed ayaa 26-ka Sebtembar 2026...

Ciraaq oo Maraykanka kala hadlaysa duulimaadyada Iran

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq ayaa sheegay in dowladda ay...

Sheegashada Puntland ee markabkii oo dood ka dhalatay iyo xog cusub

War cusub ayaa kasoo kordhaya cidda dhab ahaantii soo...

Sheekh Shariif oo MW Xasan Sheekh ku eedeeyay kala qeybin dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles