Fiqi “Yaan naxariis loo sameyn cid kasta oo amniga wax u dhimeysa”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa digniin culus u diray siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo ka hadlay khatarta ka dhalan karta abaabul ciidan iyo falal wax u dhimaya amniga dalka. 

Fiqi ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo gacanteeda u taagta waxyeelleynta amniga, isagoo si gaar ah uga digay in siyaasiyiinta mucaaradka ay abaabulaan maleeshiyaad.

“Yaan naxariis loo sameyn cid kasta oo gacanteeda soo taagta oo amniga dhibaateyso. Nimankan mucaaradka haddii ay abaabulaan maleeshiyaad, gacan bir ah ha lagu qabto,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in amniga uu yahay arrin qiimo weyn leh, gaar ahaan iyadoo Soomaaliya ay ku bixisay naf iyo dhaqaale badan sidii loo sugi lahaa.

“Amniga aan walaal qaali ah ku weynay ayaa 4 milyan oo lacag ah oo fudud lagu soo qadanayaa. Yaan naxariis loo sameyn cid kasta oo gacanta u soo taagta inay amniga dhibaateyso,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

WARARKII KALE

Sacuudiga oo tuhunsan in Imaaraadku door ku lahaa aqoonsiga Israel ee Somaliland

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa, sida lagu sheegay warbixin cusub...

RW Xamsa oo ka digay in la siyaasadeeyo amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka digay...

Iran oo shaacisay war ku saabsan marinka Hormuz

Iiraan waxay sheegtay in xal lagu gaaro wada-xaajood oo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo sameeyay magacaabis cusub

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasimeyaasha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles