MW Xasan Sheekh oo ku wajahan Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaas oo la filayo inuu kulan fool-ka-fool ah kula yeesho Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa ku soo aadaya xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo xasaasi ah, gaar ahaan dhacdadii dhowaan ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo, taas oo dhaawac kasoo gaaray Janaraal Mahad Cabdiraxmaan, oo loo yaqaan Taliye Shub.

Dhacdada Doolow waxaa weli ka taagan warar iyo eedeymo kala duwan oo ku saabsan nooca weerarka iyo cidda ka dambeysay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in qaraxa uu ka dhashay walxaha qarxa oo gudaha guriga lagu diyaarinayay, halka dhinaca Jubaland iyo Janaraal Shub ay sheegeen in guriga lagu weeraray gantaallo.

Warar kale ayaa sheegay in saraakiil dhinaca sirdoonka ah oo ka kala socday Itoobiya iyo Kenya ay tageen goobta uu ku yaallay guriga Janaraal Shub, halkaas oo ay baaritaan ku sameeyeen burburka iyo haraaga la sheegay in uu ka dhashay weerarka.

Sidaas darteed, arrinta Doolow ayaa la filayaa inay kamid noqoto qodobada xasaasiga ah ee laga wada hadli karo, maadaama degmada Doolow ay ku taallo xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo dhacdadu ay yeelan karto saameyn dhinaca amniga iyo xiriirka labada dal ah.

Dhanka kale, ajendayaasha kulanka Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ayaa la filayaa inay ku saabsan yihiin xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, xaaladda amniga, iskaashiga dhaqaalaha, la dagaallanka maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo arrimaha guud ee Geeska Afrika.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa horey u yeeshay kulamo heer sare ah oo looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Axmad oo ka wada hadlay Xaalada Koonfur Galbeed

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho shaqo oo hal...

Ciidamada Badda Puntland oo weeraray markabka Honour 25

Ciidamada Puntland ayaa weerar ku qaaday markabka HONOUR 25,...

Booliiska Baydhabo oo qabtay rag lagu eedeeyay Al-Shabaab

Booliiska degmada Baydhabo ayaa sheegay in howlgal ay gudaha...

Booliiska G/Banaadir oo faahfaahin ka bixiyay rabshad ka dhacday Isbitaalka Muqdisho

War ka soo baxay Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles