Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ka hadlayay Iiraan ayaa yidhi “Waxa aan la macaamilayno waa dal ku dhowaad burburay, dhaqaalihiisuna aanu xaalad wanaagsan ku jirin.”
Waxa uu intaa ku daray in ciidammadoodii badu ay meesha ka baxeen, ciidamadoodii cirka ay meesha ka baxeen, nidaamkoodii difaaca cirka-na uu baaba’ay.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa yidhi: “Waxaad dhawaan arki doontaan dhacdooyin aad muhiim u ah,” balse faahfaahin dheeraad ah kama bixin.
Trump ayaa mar kale ku andacooday oo yidhi “waxaad og tihiin aan si buuxda gacanta ugu hayno marin-biyoodka Hormuz.”
Waxa uu sheegay in xaddiga shixnadaha shidaalka ee saddexdii maalmood ee la soo dhaafay maray marin-biyoodka Hormuz uu ahaa “mid ka badan xilli kasta oo taariikhda Maraykanka ah.”
Waxa uu yidhi: “Kama hadlayo oo keliya xilliyada dagaalka, ee waxaan ka hadlayaa taariikhda oo dhan.”


