Fadhigii Golaha Shacabka oo mar kale baaqday

Fadhigii maanta qorsheysnaa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa baaqday, kaddib markii Xildhibaanada loo diray farriin lagu wargelinayo in kulankii la qorsheeyay aan la qaban doonin.

Farriinta loo diray Xildhibaanada ayaa lagu yiri:

“Xildhibaanada Sharafta leh, kulankii qorsheysnaa waa baaqday. Mahadsanidiin.”

Baaqashada fadhiga maanta ayaa ku soo aadeysa xilli Golaha Shacabka uu sidoo kale Arbacadii la soo dhaafay awoodi waayay inuu yeesho fadhi rasmi ah, kaddib markii la waayay kooramkii sharci ee looga baahnaa in kulanka uu furmo.

Arrintan ayaa ka dhigan in kulamadii Golaha Shacabka ee maalmihii u dambeeyay ay wajahayaan caqabado la xiriira qabsoomidda iyo joogitaanka Xildhibaanada.

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in fadhiga maanta la baajiyo, iyadoo Xildhibaanada lagu wargeliyay oo keliya in kulankii qorsheysnaa uu baaqday.

Sidoo kale, lama caddeyn waqtiga iyo taariikhda cusub ee Golaha Shacabka uu yeelan doono kulanka xiga.

Baaqashada kulamadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Golaha Shacabka uu ku jiro marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, isla markaana ay jiraan doodo iyo khilaafaadyo la xiriira howlaha Baarlamaanka iyo go’aannada Xukuumadda Federaalka.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maalmo ka hor kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac iyo horumarinta howlaha dowladda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo...

Xasan Sheekh”Israel waxay qorsheynaysaa saldhig ciidan oo badeed iyo isticmaalka garoonka Berbera”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyey...

Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada ee KGS?

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

MW Xasan Sheekh oo la kulmay MW Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

DFS oo cambaareysay weerarka lagu qaaday Sacuudiga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles