DFS oo cambaareysay weerarka lagu qaaday Sacuudiga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar lagu qaaday xarun koronto oo adeegta Masjidka Nabiga ee magaalada Madiina, dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarka lagu qaaday kaabayaal rayid oo koronto siiya mid ka mid ah goobaha ugu barakeysan Islaamka uu yahay fal ka dhan ah karaamada goobaha barakeysan, isla markaana ay u aragto xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo madaxbannaanida Sacuudiga.

Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay garab istaag buuxa oo ay la leedahay dowladda iyo shacabka Sacuudiga, iyadoo taageertay dadaallada Boqortooyada ee lagu ilaalinayo madaxbannaanideeda, amnigeeda iyo badqabka muwaadiniinta, dadka deggan iyo booqdayaasha goobaha barakeysan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa intaas ku dartay in Soomaaliya, oo xubin ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), ay diiddan tahay fal kasta oo khatar gelinaya xasilloonida gobolka, waxayna ku baaqday in dadka ka dambeeyay weerarka lagula xisaabtamo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo...

Xasan Sheekh”Israel waxay qorsheynaysaa saldhig ciidan oo badeed iyo isticmaalka garoonka Berbera”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyey...

Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada ee KGS?

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

MW Xasan Sheekh oo la kulmay MW Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Fadhigii Golaha Shacabka oo mar kale baaqday

Fadhigii maanta qorsheysnaa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles