Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Sisi, intii uu socday shir madaxeedka Madasha Ganacsiga Afrika ee ka socda magaalada cusub ee Al-Calamayn.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta iskaashiga labada dal.
Sidoo kale madaxda ayaa falanqeyay shirka lagu wado inuu dhexmaro Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.


