Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyey Aljazeera ku sheegay in Israel ay qorsheynayso inay saldhig ciidan oo badeed ka sameysato magaalada Berbera, isla markaana ay isticmaasho garoonka diyaaradaha magaalada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ujeeddada dhabta ah ee uu ku sheegay dhaqdhaqaaqyada Israel ee Berbera ay tahay in ay u soo dhowaato dalalka Khaliijka iyo Iran, isagoo arrintaas ku tilmaamay mid saameyn ku yeelan karta amniga iyo xasilloonida gobolka.
Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in dadka ku nool Somaliland ay si buuxda uga soo horjeedaan joogitaanka Israel, isagoo ku dooday in shacabka deegaanka aysan doonayn in dhulkooda loo adeegsado saldhigyo ama hawlgallo militari oo Israel leedahay.
Sidoo kale Madaxweynaha ka hadlay xiriirka kala dhexeeya Itoobiya”Xiriirka Itoobiya waa wanaagsan yahay, mana diidno in Itoobiya ay badda ku gaarto dhulka Soomaaliya.”
Sidoo kale MW Xasan Sheekh waxaa uu intaasi ku daray “Xuutiyiintu waxay wiiqayaan xasilloonida gobolka, maraakiibtana waxay ku carqaladeynayaan Bab Al-Mandab”


