Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum Ex Dable Booliska Libaan Nuux Sooc oo ay kawada tirsanaayeen Ciidanka laanta ilaalada canshuuraha Booliska, falkaasi, ayaana ka dhacay degmadda Xamar jajab, taariikhdu markii ay aheyd labo iyo tobankii bishii todobaad ee Sanadkaan 2026.

Eedeysanaha ayaa ka carooday in loo diiday Turub ay askartu dheelayeen, madaama loo arkay in uusan wax aqoon ah u laheyn Ciyaarta, waxaana uu doontay Qori AK-47 ah, si xoog uu ugu Ciyaaro, marxuumka ayaana isna ku adkeystay go’aanka Diidmada Turubka uu isagu lahaa.

Intaasi kadib Eedeysane Nuur, ayaa aflagaado iyo xabado tiro beel ah is daba dhigay, isaggoo adeegsanaya Qori Ak-47 ah, taasi oo keentay geerida Marxuum Ex Dable Booliska Liibaan Nuux Sooc.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamadda qalabka sida, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, Waxaana laga oggolaaday Kowdii Bishaan October 2026.

Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukumay Ex-Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal Dil Toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Ex Dable Booliska Liibaan Nuux Sooc.

Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xasan Sheekh”Israel waxay qorsheynaysaa saldhig ciidan oo badeed iyo isticmaalka garoonka Berbera”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyey...

Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada ee KGS?

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

MW Xasan Sheekh oo la kulmay MW Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

DFS oo cambaareysay weerarka lagu qaaday Sacuudiga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar...

Fadhigii Golaha Shacabka oo mar kale baaqday

Fadhigii maanta qorsheysnaa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles