MW Xasan Sheekh“Soomaaliya ma ahan oo keliya dal ka soo kabanaya colaado”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo ay isugu yimaadeen madax, wasiirro, hoggaamiyeyaal, maalgashadeyaal iyo hay’adaha maaliyadeed ee qaaradda Afrika.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay isbeddellada dhaqaale iyo siyaasadeed ee dunida, muhiimadda iskaashiga iyo isku-xirka dhaqaale ee Afrika, isagoo soo bandhigay baahida loo qabo in dalalka qaaraddu ay si wanaagsan uga faa’iidaystaan khayraadkooda, awoodda dadkooda iyo fursadaha maalgashi ee ka jira suuqyada Afrika.

“Soomaaliya ma ahan oo keliya dal ka soo kabanaya colaado, waa dal dib u dhismaya oo dib-u-habeynaya dhaqaalihiisa. Waxa aan u furan nahay ganacsiga iyo maalgashiga, waana soo dhoweynaynaa cid kasta oo diyaar u ah in ay nala dhisto”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay ganacsatada Afrika, shirkadaha iyo maalgashadeyaasha caalamiga ah in ay ka qaybqaataan fursadaha ka jira Soomaaliya, isaga oo caddeeyay in maalgashiga wax-soo-saarka leh uu muhiim u yahay abuurista shaqooyin, kobcinta dhaqaalaha iyo horumar waara.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay in mustaqbalka dhaqaale ee Afrika uu ku xirnaan doono iskaashi iyo maalgashi dhaqaale oo xooggan, iyadoo dalalka qaaraddu ay si wadajir ah u horumarinayaan ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, maalgelinta iyo isku-xirka suuqyada.

WARARKII KALE

Al-Burhaan oo gaaray Al-Calamayn, kana qeybgalaya shir madaxeedka

Hoggaamiyaha Golaha Madaxbannaanida KMG ah ee Suudaan, Taliyaha Guud...

DFS oo dhammaystirtay dhismaha Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaystirtay dib-u-abaabulka Qaybta 26-aad ee...

Soomaaliya oo sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wargelin ku saabsan bixitaanka ciidankeeda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wax...

Masar, Eritrea, Sudan iyo Soomaaliya oo markii ugu horreysay shir madaxeed ku yeelanaya Al-Calamayn

Magaalada Al-Calamayn Al-Jadiid ee dalka Masar ayaa maanta lagu...

Duqeymo ka dhacaya Magaalada Sanca ee dalka Yemen

Ciidamada qalabka sida ee Yemen ayaa aroornimadii Axaddii sheegay...

Trump oo hanjabaad u diray Iran

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in khilaafka u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles