Masar, Eritrea, Sudan iyo Soomaaliya oo markii ugu horreysay shir madaxeed ku yeelanaya Al-Calamayn

Magaalada Al-Calamayn Al-Jadiid ee dalka Masar ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo shir madaxeed wadatashi ah oo ay markii ugu horreysay wada yeeshaan hoggaamiyeyaasha Masar, Eritrea, Sudan iyo Soomaaliya.

Shirka waxaa ka qaybgalaya Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Sisi, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, Guddoomiyaha Golaha Madaxbannaanida Sudan Cabdulfataax Al-Burhaan, iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Masar, hoggaamiyeyaashu waxay ka wada hadli doonaan xaaladda gobolka, gaar ahaan amniga Badda Cas, xaaladda Geeska Afrika iyo colaadda ka taagan Sudan.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo amni, oo ay ka mid yihiin xiriirka Itoobiya iyo Eritrea, khilaafaadka Itoobiya iyo Masar, iyo xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Sudan.

Shirka afarta dal ayaa sidoo kale dhacaya xilli Masar ay Al-Calamayn ku martigelinayso Shirka 8-aad ee Isku-duwidda Midowga Afrika ee bartamaha sanadka.

Waxaa xusid mudan in Masar, Eritrea iyo Soomaaliya ay markii ugu dambeysay heer madaxeed ku kulmeen magaalada Asmara bishii Oktoobar 2024, halka Sudan aysan kulankaas uga qaybgelin heer hoggaamineed.

WARARKII KALE

Maraykanka oo war ka soo saaray colaadda Tigraay ee Itoobiya

 Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ugu baaqday dhammaan...

Al-Burhaan oo gaaray Al-Calamayn, kana qeybgalaya shir madaxeedka

Hoggaamiyaha Golaha Madaxbannaanida KMG ah ee Suudaan, Taliyaha Guud...

DFS oo dhammaystirtay dhismaha Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaystirtay dib-u-abaabulka Qaybta 26-aad ee...

Soomaaliya oo sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wargelin ku saabsan bixitaanka ciidankeeda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wax...

Duqeymo ka dhacaya Magaalada Sanca ee dalka Yemen

Ciidamada qalabka sida ee Yemen ayaa aroornimadii Axaddii sheegay...

MW Xasan Sheekh“Soomaaliya ma ahan oo keliya dal ka soo kabanaya colaado”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles