Meydka Saddex Badmaax oo Pakistani ah iyo Afar Dhaawac ah oo gaaray Karachi

Diyaarad gaar ah oo sidday meydadka saddex badmaax oo Pakistani ah iyo afar shaqaale oo ku dhaawacmay howlgalka lagu soo furtay markabka MT Honour 25, ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jinnah ee magaalada Karachi.

Saddexda badmaax ee ku dhintay dhacdada ayaa lagu kala magacaabaa Rafiullah Khan, Syed Kashif Umer iyo Mahmood Ahmed Ansari, halka afarta shaqaale ee dhaawacmay ay yihiin Usman Ghani, Aqeel Khan, Ameen bin Shams iyo Yasir Khan. Xogtan waxaa xaqiijiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan iyo warbaahinta dalkaas.

Markabka MT Honour 25, oo sitay calanka Palau, ayaa 21-kii Abriil lagu qabsaday xeebaha Puntland, iyadoo ay saarnaayeen shaqaale u kala dhashay dalal kala duwan, oo ay ku jireen 10 Pakistani ah.

Puntland ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay howlgal ku soo furteen markabka, ayna gacanta ku dhigeen 16 qof oo looga shakisan yahay burcad-badeed.

Intii uu socday howlgalka, shan ka mid ah shaqaalihii markabka ayaa dhintay, kuwaas oo saddex ka mid ah ay ahaayeen Pakistani, halka afar kale ay dhaawacmeen.

Warbixin ay baahisay AP ayaa sidoo kale xaqiijisay dhimashada shanta shaqaale iyo qabashada 16-ka qof ee looga shakisan yahay burcad-badeednimada.

Afarta Pakistani ee dhaawacmay iyo meydadka saddexda dhintay ayaa markii hore laga soo qaaday Soomaaliya, waxaana lagu sii marsiiyay Addis Ababa, halkaas oo safiirrada Pakistan ee Itoobiya iyo Jabuuti ay ku sagootiyeen, ka hor inta aan loo duulin Karachi.

WARARKII KALE

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku Wajahan Ballanballe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles