Trump oo doonaya inuu burburiyo Maxkamada Caalamiga ee dambiyada ICC

Maamulka Trump ayaa si weyn u dardargeliyay dadaallada uu ku doonayo inuu ku “burburiyo” Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) — taas oo uu ku tilmaamay hay’ad “aan xeerarka caalamiga ah ixtiraamin” — isagoo ku dhawaaqay cunaqabatayn ballaaran oo ka dhan ah maxkamaddaas.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay in tallaabooyinka lagu mamnuucayo hay’adaha Mareykanka inay la macaamilaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) loo qaaday “si loo difaaco madax-bannaanida Mareykanka,” wuxuuna ku eedeeyay maxkamadda inay isku dayayso inay dacwad ku oogto muwaadiniin Mareykan ah.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa sheegtay in tallaabooyinkani ay ahaayeen weerar lagu qaaday sareynta sharciga iyo aasaaska nidaamka sharciga caalamiga ah.

Shaacintan ayaa timid saacado uun ka dib markii garsoorihii hore ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, Navi Pillay, la guddoonsiiyay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka ee sannadka 2026-ka, taas oo lagu aqoonsanayo dadaalkeeda ku aaddan horumarinta nabadda iyo sharciga caalamiga ah.

Mareykanka ayaa horey u saaray cunaqabateyn 17 garsoore iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC), balse tallaabadan ayaa u beegsanaysa maxkamadda hay’ad ahaan, waxayna ujeeddadeedu tahay in la curyaamiyo awooddeeda dhanka dhaqaalaha ee ay ku shaqeyso.

Mareykanka ayaa oggolaaday muddo ku-meel-gaar ah oo lix bilood ah ka hor inta aysan dhaqan-gelin qaar ka mid ah cunaqabateyntan cusub, taas oo ka dhigan in dalalka xubnaha ka ah ay sii wadi karaan bixinta kharashka hawlahooda.

UK ayaa ku biirtay Canada, Denmark, Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga, Japan iyo Netherlands iyagoo xaqiijiyay “taageerada joogtada ah ee aan kala go ‘lahayn” ee ay u hayaan ICC waxayna sheegeen inay “ka xunyihiin oo ay si xooggan uga soo horjeedaan” cunaqabataynta.

WARARKII KALE

Masar oo diyaarinaysa ciidamadii ugu dambeeyay ay u soo dirayso Soomaaliya

Warbaahinta The New Arab ayaa sheegtay in dowladda Masar...

Ciidanka Xoogga Dalka oo dib ula wareegay deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 27-aad, ayaa...

KGS oo qorsheynaysa in ciidanka Lafta-gareen xoog looga saaro Qansaxdheere

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo...

Taliyihii Saldhigga booliska Xagardheere ee Kenya iyo darawalkiisii oo qarax lagu dilay

Laba askari oo ka tirsan booliska Kenya, oo uu...

Soonaaliland oo durtay shirkii Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan

Danjiraha Somaliland u fadhiya Israa’iil, Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud,...

Sacuudiga oo war ka soo saaray sababta ay u weeraraan Xuutiyiinta

Milatariga Sacuudiga ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen goobaha Xuutiyiinta ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles